Beesha Caalamka oo cadaadineysa dhinacyada siyaasadda ee dalka

Wakiilada Beesha Caalamka ee dalka ka hawlgala ayaa wada dadaalo xoog leh oo la isugu soo dhaweynayo Madaxda Dowladda Federaalka iyo Siyaasiyiinta Mucaaradka ee Madasha Samatabixinta Soomaaliyeed, oo ay kaabayaan Dowlad Goboleedyada Puntland iyo Jubbaland.
Siyaasiyiinta Mucaaradka, Jubbaland iyo Puntland ayaa waxay ku mideysan yihiin Golaha Mustaqbalka Somaliya, kaas oo ah isbahaysiga siyaasadeed ee ugu weyn ee maanta dalka ka jira, loolan adagna kula jira Dowladda Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.
Wararka ayaa sheegaya in Wakiilada Beesha Caalamka ee degan Xerada Xalane ee Magaalada Muqdisho ay labada dhinac culeys ku saarayaan, sidii loo dhameen lahaa arrimaha masiiriga ah ee la isku khilaafsan yahay, oo ay ugu horreyso nooca doorasho ee dalka laga qabanayo.
Wararka la helayo ayaa sheegaya in Wakiilada Beesha Caalamka ay dhinacyada weydiisteen in la taageero dadaalada caalamiga ah ee ay hoggaaminayaan Qaramada Midoobey, Mareykanka iyo Midowga Yurub, laguna xoojinayo dowladnimada, hay’adaha ammaanka, xasilloonida iyo nabad waarta.
Khilaafka ka taagan arrimaha doorashooyinka dalka oo in muddo ahba soo jiitamayay ayaa xiisad siyaasadeed ka huriyay gudaha Somaliya, waxaana walaac laga muujiyay in uu curyaamiyo dadaalada ay Soomaalidu hormuudka ka tahay ee lagu horumarinayo dowlad-dhiska, haddii uu sii socdo.
Wakiilada Beesha Caalamka ayaa waxaa suurtagal ah in ay markan si toos ah ugu lug yeeshaan wada hadalada soo socda ee la qorsheynayo inay Madaxda Dowladda Federaalka iyo Xubnaha Golaha Mustaqbalka ku yeeshaan Muqdisho.
Cadaadiska caalamiga ah ayay dadka qaarkii u arkaan mid wax ka tari kara in la gaaro heshiiska siyaasadeed ee loo baahan yahay, si loo maareeyo xasillooni darrada siyaasadeed ee dalka, iyadoo laga hortagayo dhaawac ku yimaada amniga jilicsan ee Somaliya.


