Beesha Caalamka oo walaac ka muujisay xiisadda siyaasadeed ee Puntland

Saaxiibada caalamiga ayaa walaac ka muujiyay xiisadda siyaasadeed ee ka taagan Puntland, ee ku aaddan hannaanka geeddi-socodka ee Doorashada Goleyaasha Deegaanka ee dhaceysa daba-yaaqada bishan.

"Saaxiibada caalamku, waxay si dhow ula socdaan geeddi-socodka dimoqraadiyeynta ee Puntland, waxayna ka walaacsan yihiin rabshadihii dhawaan dhacay ee la xiriiray Doorashada Goleyaasha Deegaanka ee soo socota." Ayaa lagu yiri qoraal ka soo baxay Beesha Caalamka.

Beesha Caalamka ayaa ku boorisay daneeyeyaasha siyaasadda in ay wada hadlaan, si ay u xaliyaan khilaafaadka jira.

"Colaaddu xal maaha, waxaanu ku boorinaynaa wada hadal dhex mara daneeyeyaasha, si loo xaliyo khilaafaadka." Ayaa lagu sheegay qoraalka.

Magaalada Garoowe ee Xarunta Maamulka Puntland ayaa waxaa ka taagan xiisad u dhaxeyso laba ciidan, oo kala taabacsan Madaxtooyada Puntland iyo siyaasiyiinta ka soo horjeeda doorashada qofka iyo codka ee maamulkaasi uu doonayo in lagu tijaabiyo Goleyaasha Deegaanka.

Iska horimaad xalay ka dhacay duleedka Garoowe ayaa waxaa ku geeriyooday saddex qof, halka shan kalena ay ku dhaawacmeen. Iska horimaadka ayaa ka dambeeyay, ka dib markii ay ciidamo  isku dayeen inay is hortaagaan sanaadiiq doorasho oo loo waday Gobolada Bari, Karkaar, Gardafuu iyo Sanaag, si ay dadkii is diiwaangeliyay ugu codeeyaan. 

Dagaalkan ayaa maanta hakad ku keenay howlihii shaqo ee ka jiray Garoonka Diyaaradaha General Maxamed Abshir ee Magaalada Garoowe.

Siyaasiyiinta Mucaaradka ayaa ku baaqay in la joojiyo doorashada lagu wado inay dhacdo 25-ka bishan May. 

Siyaasiyiintan ayaa bayaan ay ka soo saareen shir laba maalmood uga socday Magaalada Garoowe, waxaa ay ku sheegeen inaanan heshiis lagu ahayn doorashadaasi, isla-markaana ay ka dhalan karto xaalad amni.

Madaxweyne Siciid Cabdullaahi Deni ayaa ku adkeysanaya in doorashadaasi qofka iyo codka ah uu dastuurku xaq u siinayo, isla-markaana aanay cidina ka hor istaagi karin.

Si kastaba ha-ahaatee Odayaasha Dhaqanka iyo ganacsatada deegaanka ayaa wada dadaalo ay ku dhexdhexaadinayaan maamulka iyo mucaaradka.