Booliska ATMIS oo ku biiray hawlgalada lagu sugayo amniga Muqdisho
Ciidanka Booliska ATMIS ee qaybta ka ah Hawlgalka Nabad Ilaalinta Midowga Afrika ayaa ku biiray hawlgalada bishan Ramadan lagu sugayo amniga Magaalada Muqdisho.
Booliska ATMIS ayaa Ciidanka Booliska Soomaaliyeed ka caawiya tababarada ciidamada, arrimaha nabadgelyada iyo howlaha sugidda amniga.
Booliska ATMIS iyo kuwa Gobolka Banaadir ayaa si wadajir ah isaga kaashanaya roondooyinka ay ka sameynayaan Magaalada Muqdisho, iyadoona yoolku yahay in ay xakameeyaan amaba ka hortaggaan falalka amni darro, inta lagu jiro bishan barakeysan ee Ramadan.
Ciidamada ayaa magaalada ka sameynaya hawlgalo baaritaano ah, iyadoona lagu arkayo wadooyinka magaalada qaybtood, si ay u hubiyaan gaadiidka gaarka loo leeyahay.
Ciidamada ayaa sidoo kale lagu arkayaa wadooyinka waaweyn ee soo gala Xarumaha Dowladda Federaalka iyo xafiisyada kale ee muhiimka ah.
Taliska Booliska Soomaaliyeed ayaa dadaal badani ku bixinaya, sidii gacan bir ah ay amniga Caasimadda Muqdisho ugu qaban lahaayeen bishan Ramadan.
Shabaabka ayaa bisha Ramadan kordhiya weerarada ay ka gaysanayaan dalka, si ka duwan billaha kale ee sanadka, iyadoona Muqdisho ay xudun u tahay goobaha ay bartilmaameedsadaan.
















