Booliska Canada oo afar nin u soo qabtay dilka muwaadin Soomaaliyeed

Booliska dalka Canada ayaa xiray afar nin oo lagu eedeynayo dilka muwaadin Soomaaliyeed, oo 14-kii bishan lagu dilay Magaalada Toronto ee dalkaasi.
Muwanar Warsame oo 24 jir Soomaali Canadian ahaa ayaa la sheegay in uu ahaa nin dhallinyaro ah oo dadka oo dhami ay jecel yihiin, isla-markaana lahaa qof mustaqbal ifiya.
Booliska Toronto ayaa bayaan ku sheegay in afarta qof ee dilkaasi loo soo qabtay, ay kala yihiin Duan Julien 24 jir, Deniell McKenzie 21 jir, Daniel Lara-Orellana 25 jir iyo Matthew Phillips-Downey oo 23 jir ah.
Dhammaan xubnahan ayaa lagu soo oogay hal dembi, oo ah dilka darajada labaad, sida lagu sheegay bayaanka Booliska Toronto.
Muniir Warsame oo ay ilmo adeer yihiin marxuumka ayaa sheegay inaanu Munawar ku lug lahayn kooxaha dembiileyaasha ee is dilaya.
Xaashi Warsame oo sidoo kale ay ilmo adeer ahaayeen marxuumka ayaa wax nasiib darro ah ku tilmaamay dilka loo gaystay Munawar.
Booliska Canada ayaa wada dadaalo wax lagaga qabanayo dilalka dhallinyarada Soomaaliyeed, oo sanadihii ugu dambeeyay ku soo badanayay dalkaasi.


