Booliska Galdogob oo gacanta ku soo dhigay nin la sheegay inuu dilay hooyadii iyo xaaskiisa

Booliska Degmada Galdogob ee Gobolka Mudug ayaa gacanta ku soo dhigay nin ku eedeysan in uu xalay degmadaasi ku dilay hooyadii iyo xaaskiisa.
Taliska Saldhigga Booliska Degmada Galdogob ayaa sheegay in ciidamadu ay soo xireen eedeysane Cismaan Maxamuud Cali, kaas oo loo haysto in uu degmadaasi ku dilay hooyada dhashay oo lagu magacaabayay Xaawo Cabdille Faarax iyo xaaskiisii Farxiya Maxamed Xirsi.
Taliska ayaa war soo saaray ku sheegay in eedeysanaha oo hadda ku jira gacanta booliska ay horkeeni doonaan sharciga.
"Eedeysanaha ayaa ku jira gacanta booliska, waxaana loo gudbin doonnaa maxkamadda awooda u leh." Ayaa lagu yiri warka booliska.
Garaad Cumar Cabdille Faarax oo la dhashay Xaawo Cabdille Faarax, isla-markaana abti u ah eedeysanaha ayaa sheegay in ninkaasi uu dhimirka ka xanuunsanaa.
"Waali iyo xanuun hayay iyo sabab isbiirsaday ayay arrintaasi ku timid. Way naga dhacday, wayna nagu dhacday." Ayuu yiri Garaad Cumar Cabdille oo ka murugeysan dhibka soo gaaray qoyska.
"Dhacdada xaafaddii ay deganaayeen bay ka dhacday." Ayuu yiri Garaad Cumar Cabdille oo intaasi ku daray in ninkaasi uu dilka u adeegsaday qori, isagoo aan sheegin halka uu ka keenay qorigaasi uu wax ku dilay.
Garaad Cumar ayaa xusay in ninkaasi uu hadda ahaa aabe ay sideed carruur ah u dhashay marxuumad Farxiya Maxamed Xirsi oo gacantiisa sababsatay, sida uu yiri.
Falkan ayaa ka argagaxiyay dadka reer Galdogob oo si weyn u hadal haya dhacdadaasi.
Dhacdooyinka naxdinta leh ayaa muddooyinkan si aad ah ugu soo badanayay magaalooyinka iyo deegaanada Soomaalida.


