Booliska Jubbaland oo gacanta ku soo dhigay rag loo haysto burcad badeednimo

Ciidanka Booliska Jubbaland ayaa gacanta ku soo dhigay rag ku eedeysan in ay ka tirsan yihiin kooxaha burcad badeedda Soomaalida.

Taliyaha Qaybta Booliska Gobolka Jubbada Hoose, G/sare Sadiiq Maxamuud Dhogor oo hawlgalkan hoggaaminayay ayaa laga sameeyay deegaanada ku teedsan dhulka xeebta ee Magaalada Kismaayo, sida Inguumi, Madiina, Suuban, Salaamo, Fuumo, Jiroole iyo Dhabarka.

Hawlgalka ayaa lagu soo qabtay afar nin oo lagu eedeeyay in ay ka tirsan yihiin kooxaha burcad badeedda, hub la sheegay inay haysteen, dooni, shidaal, raashiin iyo agab kale.

Taliyaha Qaybta Booliska Gobolka Jubbada Hoose oo shalay galab Warbaahinta kula hadlayay deegaanka Inguumi oo 70km u jira Xarunta Gobolka Jubbada Hoose ee Kismaayo ayaa sheegay inay hayeen xogta raggaasi, isla-markaana ay habeen hore ku dhaqaaqeen goobihii ay ku sugnaayeen.

Taliyaha ayaa tilmaamay in ay gacanta ku soo dhigeen afar nin, laba kalena sida uu sheegay ay baxsad ku maqan yihiin, kuwaa oo sida uu yiri ku howlanaa dhibaateynta maraakiibta iyo doomaha ganacsiga, gaar ahaan kuwooda adeegsada xeebaha Jubbaland.

"Kiiskan waxaan la soconay ka boolis ahaan min bilow illaa iyo xilligan maanta inuu soo gaaro, maalinba maalinta ka dambeysay xogtiisu way isa soo tareysay, wayna socotay. Meeshii qabashada ay ka lahayd markan soo gaarnay, abaare xalay 8:30 habeenimo ayaan kaga soo baxnay Magaalada Kismaayo, hadda oo aan ku suganahay deegaanka Inguumi oo 70km u jirta Magaalada Kismaayo, Ilaahay xamdigii hawlgalkii sidaan u qorsheynay iyo sidaan u rabnay buu u fulay." Ayuu yiri Taliyaha.

Taliyaha ayaa intaa raaciyay "Burcadda intaan keliya kula koobna, waxaa ku jiray rag maalgelinayay. Waxaan haynaa liiskii iyo buuggii dhammaan ay ku qornaayeen burcaddan, sida ay saamiyada u kala leeyihiin iyo dhammaanba wixii meeshaas wax ku lahaa, hadduu goobta ka maqnaa, hadduu mid magaalada joogay uu yahay iyo hadduu ku kale oo meel kale ku maqanba uu yahay."

Waxa uu sheegay inaysan aqbali doonin in kooxaha burcad badeedda ay boos ku yeeshaan deegaanada Jubbaland.

"Waxaan leeyahay hawlgalkan sidii loogu talagalay ayuu u fulay, waxa dhimana waan dhameystiraynaa Insha'Allah. Marnaba ma aqbalayno in deegaanada Jubbaland ay ka dilaacaan kooxo burcad badeed oo dhibaateynaya deegaanka & nawaaxigiisa iyo halka meel ee Soomaalida maanta u furan ee ganacsiga dal iyo dibadba ay ka ganacsanayaan inay tahay meeshaan ayada ah." Ayuu yiri Taliyaha oo intaasi ku daray "Waxaan leenahay kooxda burcad badeedda ee beenta isku sheegtay ku quus qaata kuwa hadda raba inay u soo socdaan ama u soo tafa-xeenaya iyo kuwa damaaciga kaga jiro inay Ciidanka Booliska Jubbaland ay heegan buuxa ugu jiraan, wax allaala iyo wixii qalqal amniga ku keenaya ay ka hortaggayaan."

Taliyaha ayaa dhanka kale ballanqaaday in la abaalmarin doono ciidamadii fuliyay hawlgalka lagu soo qabqabtay ragga loo haysto burcad badeednimada.

Duqa Magaalada Kismaayo, Cumar Cabdullaahi Maxamed (Faraweyne) oo qayb ka ahaa hawlgalkan ayaa dhankiisa bogaadiyay Ciidanka Booliska Jubbaland, isagoona ku ammaanay in ay adeegsadeen farsamooyin cajiib ah.

Hawlgalkan ayaa la sheegay inuu imanayo, ka gadaal markii ay cabasho ka soo yeertay doomaha yaryar ee ganacsiga ka qaada Dekedda Kismaayo, isla-markaana geeya deegaanada dhaca xeebaha Gobolka Jubbada Hoose.