Booliska Muqdisho oo sheegay in tallaabo laga qaadi doono Siyaasiyiinta Mucaaradka

Taliyaha Qaybta Booliska Gobolka Banaadir, Korneyl Mahdi Cumar Muumin ayaa xalay ku hanjabay in hadda ka dib Siyaasiyiinta Mucaaradka lagu la xisaabtami doono falalka ay ku qalqalgelinayaan amniga Magaalada Muqdisho, ka dib dhacdadii galabta ka dhacday buu yiri Degmada Wadajir, gaar ahaan Laami Yaraha Zoobe.
Taliyaha ayaa Siyaasiyiinta Mucaaradka ku eedeeyay in muddo ahba inay ku howlanaayeen inay suurad xumeeyaan ammaanka caasimadda, iyagoo uu ujeedkoodu yahay buu yiri inay caasimaddan u laabato, sidii ay shalay iyo doraad ahayd.
"Waa ayaan darro in dad Soomaaliyeed oo hoggaamiyeyaal soo maray inay ku fekerayaan inay hooyooyin iyo shacab dhexdooda inay ciidan maleeshiyaad ah iyo wax la mid ah inay ku soo xareeyaan oo caasimadda ay ka abuuraan qalalaaso iyo nabadgelyo darro, waa wax laga xumaado oo ayaan darro ah." Ayuu yiri Taliyaha Qaybta Booliska Gobolka Banaadir oo shir jaraa'id ku qabtay Magaalada Muqdisho.
"Galabta oo u dambeysay waxaad arkeyseen waxa ka dhacayay Zoobe, in nin hoggaamiye ah uu dhallinyaro Soomaaliyeed uu gurigiisa ku soo uruuriyay, maleeshiyaad qoryo loo soo dhiibay oo shacabkii lagu soo dhex daayay. Hay'adaha ammaanka waxay muujiyeen xilkasnimo iyo in dalka iyo dadkaba loo turo iyo shacabka Soomaaliyeedba inay arkaan in shacabka dhexdiisii qoryo aan loogu talagelin lagu dhex qaadanayo oo maleeshiyaad loo soo dhiibaayo." Ayuu yiri Taliyuhu.
Taliyaha ayaa shacabka ugu yeeray "Waxaan faraynaa shacabka Soomaaiyeed inay ka feejignaadaan waxyaabaha lagu sheegayo isku soo bax ee noocaasi oo kale ah ee ujeedadoodu tahay qalqalgelinta caasimaddan inay ka feejignaadaan, oo hadda ka dib aysan waxaa iyo wax la mid ah soo raacin, aysana imaanin."
Taliyaha oo sii hadlayay ayaa yiri "Maleeshiyaadka iyo dadka la joogo guryahoodana waxaan leenahay magacyadiinna iyo wejiyadiinnaba waa la haayaa, waana la idiin la xisaabtamaa. Qof kasta oo ka mid ah sidii hore ma ahan nin ayuu leeyahay, qof kasta oo ka mid ah telefankiisa ayaa la haayaa, waa diiwaan-gashan yahay, qof dembi galay oo looga haraayaa ma jiro."
Korneyl Mahdi Cumar Muumin, Taliyaha Qaybta Booliska Gobolka Banaadir oo farriin kulul hawada u mariyay Siyaasiyiinta Mucaaradka ayaa carabka ku adkeeyay in xaaladdu aysan ahayn sidii hore, isla-markaana ay sharciga la tiigsan doonaan, haddii ay ku lug yeeshaan qalqalgelin amni.
"Kuwa masuuliyiinta hore waxaan leenahay shalay, maanta ma ahan. Haddaad barateen inta wiilal iyo hooyooyin Soomaaliyeed dhexdooda lagu dagaalamo oo wax ku dhintaan, idinkuna aad nabad-gashaan, ma dhaceyso. Dembi qofkii soo abaabulaa loo raacanaa, asagaa loo eedeynaa, haddaad wiilal qoryo u soo dhiibto oo shacabkii dhexdooda inaad tiraahdo fowdo ka sameeya, hay'adaha ammaanka, amniga iyo kala dambayntii, dowladnimadii iyo dadkan shacabka ah ku dhex dagaalama aad tiraahdaan, ma lagaaga haraayee adigaan waaran kuu soo dalbanaynaa, dacwad kaa gudbinaynaa, gacantaana kuugu soo qabanaynaa, iyadoo waaran sharciyeed laguugu haysto, gurigaaga ayaa laguugu soo gelayaa, markaad ka shaqeyso amni darro oo aad soo abaabusho fal dembiyeed dad ku dhintaan oo dhibaato ka timaado, masuuliyaddeeda berri adigaa qaadanaayo, shacabka Soomaaliyeed-na waan u sheegaynaa, idinkana waa idiin sheegaynaa, mala isaga haraayo fal dembiyeed noocyadii maanta la soo abaabulay oo kale inay caasimadda ka dhacaan. Ka feejignaada shacabow ha soo raacina, wiilasha yaryarka ahna waxaan leenahay ka feejignaada, haddana waa la idiin haystaa oo la idiinkaga hari maayo." Ayuu yiri Korneyl Mahdi Cumar.
Hanjabaaddan ayaa noqoneyso tii ugu adkeyd ee Taliska Booliska Muqdisho uu u jeediyo Siyaasiyiinta Mucaaradka ee Dowladda Federaalka ee ka biyo diidan muddo kororsiga halka dhinac ah ee Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud uu ku dhawaaqay 15-kii bishan.
Mucaaradka ayaa dalbanaya in dalka laga qabto doorasho heshiis lagu yahay, iyadoo la laabayo bogga muddo kororsiga ee Hay'adaha Dowladda Federaalka.


