Booliska Muqdisho oo soo bandhigay aabe dilay wiil uu dhalay

Taliska Qaybta Booliska Gobolka Banaadir ayaa soo bandhigay aabe lagu eedeynayo in uu Magaalada Muqdisho ku dilay wiil yar oo uu dhalay.

Ciidanka Saldhigga Booliska Degmada Cabdicasiis ayaa gacanta ku soo dhigay Maxamed Cali Cilmi oo 45 jir ah, kaas oo lagu eedeynayo in uu toorey ku dilay wiil 6 jir ahaa oo uu dhalay, laguna magacaabi jiray Maxamuud Maxamed Cali.

"Eedeysanaha waxaa ku socota baaris, wuxuu wajihi doonnaa maxakamadda awoodda u leh, si sharciga loo waafajiyo." Ayaa lagu sheegay qoraal ka soo baxay Taliska Qaybta Booliska Gobolka Banaadir.

Taliska ayaa sidoo kale soo bandhigay toorey ay sheegeen in uu dilka u adeegsaday.

Dilka ayaa gelinkii dambe ee Taladadii shalay ka dhacay xaafadda Suuqa Xoolaha ee Degmada Heliwaa.