Booliska Muqdisho oo tallaabo ka qaadaya dadka sida khaldan barraha bulshada u adeegsada
Taliyaha Qaybta Booliska Gobolka Banaadir, Korneyl Mahdi Cumar Muumin ayaa amar ku bixiyay in tallaabo laga qaado dadka sida khaldan u adeegsada barraha bulshada.
Taliyaha ayaa xalay shir guddoomiyay kulan ay Saraakiisha Booliska Muqdisho uga hadlayeen, sidii loo xoojin lahaa amniga magaalada, loogana hortagi lahaa dhammaan falalka liddiga ku ah xasilloonida iyo deganaanshaha caasimadda.
War goor dambe oo xalay ahayd ka soo baxay Taliska Booliska ayaa marka hore lagu yiri "Taliyaha ayaa faray Saraakiisha Booliska Caasimadda in si wadajir ah ay uga hortaggaan dadka isticmaala iyo kuwa ka ganacsada maandooriyaha, isagoo xusay in arrintaasi ay khatar weyn ku tahay mustaqbalka dhallinyarada iyo amniga guud ee bulshada."
Warka ayaa lagu sheegay in Taliyaha Qaybta Booliska Gobolka Banaadir uu amray in tallaabo sharci ah laga qaado dadka farriimaha guracan ku baahiya barraha bulshada.
Warka ayaa waxa kaloo lagu sheegay in Taliyuhu uu sidoo kale uu saraakiisha faray in tallaabo laga qaado dhallinyarada barraha bulshada soo dhiga muuqaalada anshax xumada ah ee ay iska soo duubaan.
"Taliye Mahdi Cumar Muumin ayaa amray in tallaabo sharci ah laga qaado dadka ku baahiya farriimaha guracan barraha bulshada. Waxaa kale oo uu faray in tallaabo laga qaado dhallinyarada si khaldan u adeegsanaya barraha bulshada, kuwaas oo duuba muuqaalo ka hor imanaya anshaxa iyo sidoo kale dhallinyarada halista ku ah naftooda iyo bulshada, sida kuwa isku dhiga gaadiidka socda waddooyinka iyo kuwa hubka ku ciyaara." Ayaa lagu yiri warka.
Golaha Wasiirada Somaliya ayaa 6-dii bishii March soo saaray awaamiir ay shacabka ugu sheegayaan in ay mamnuuc tahay in si khaldan loo isticmaalo ama been abuur laga sameeyo, si toos ah amaba si dadban, iyada oo la isticmaalayo Warbaahinta kala duwan oo barraha bulshada ay ka mid yihiin, qofkii lagu helana laga qaadi doono tallaabo sharciga waafaqsan.
Golaha ayaa xilligaasi sheegay in awaamiirtooda ay qayb ka tahay dadaalada lagu xaqiijinayo amniga dalka, iyadoona uu ujeedku ahaa in la dejiyo xaalad aad u kacsan oo xilligaasi ka jirtay Gobolka Shabellaha Dhexe, taasoo ka dhalatay weeraro aan horey noocooda loo arag oo maleeshiyada Al Shabaab ay ka wadday bariga gobolkaasi.
Shabaabka oo weeraradan bilaabay 20-kii bishii February, isla-markaana socday illaa bartamihii bishii April ayay ku qabsadeen degmooyin iyo deegaano dhaca bariga gobolkaasi.
Amarka haatan ka soo baxay Booliska Gobolka Banaadir ayaa imanaya, iyadoo masuuliyiin ka tirsan Dowladda Federaalka iyo Siyaasiyiinta Mucaaradka qaarkood ay maalmihii u dambeysay hadalo xanaf leh isku weydaarsanayeen qalabka Warbaahinta.









