Booliska Muqdisho oo xabsiga dhigay nin ku eedeysan anshax xumo

Taliska Qaybta Booliska Gobolka Banaadir ayaa maanta sheegay in Ciidanka Saldhigga Booliska Degmada Warta Nabadda ay soo xireen nin lagu magacaabo Xasan Cilmi Bootaan, kaas oo ku eedeysan fal ka dhan ah sharafta iyo karaamada gabdhaha Soomaaliyeed.

"Eedeysanaha ayaa laga soo qabtay xarun uu ugu magac-daray 'Dugsiga Raaliyo', halkaas oo uu dhawaan ku baahiyay muuqaal uu ku sheegay in gabdho lagu heli karo si bilaash ah, marka guri la iibsado." Ayuu taliska ku sheegay war qoraal ah.

"Falkaas anshax xumada ah ee uu ku kacay eedeysanaha ayaa si cad uga horimaanaya qiyamka bulshada, sharafta iyo karaamada haweenka Soomaaliyeed." Ayaa lagu yiri warka oo intaasi ku daray "Eedeysanaha ayaa hadda ku jira gacanta boliiska, waxaana ku socda baaritaan hordhac ah."

Taliska ayaa warka ku sheegay in marka uu baaritaanku soo idlaado ay ninkaasi u gudbin doonaan maxkamadda awoodda u leh kiiska uu ku eedeysan yahay.

"Marka baaritaanku soo dhamaado, waxaa loo gudbin doonaa maxkamadda awoodda u leh dacwaddiisa." Ayaa lagu yiri warka.

Taliska Qaybta Booliska Gobolka Banaadir ayaa dhanka kale digniin u jeediyay shakhsiyaadka iyo kooxaha danaha gaarka ah leh ee gabaadka ka dhiganaya magaca difaaca xuquuqda haweenka ee faafinaya warar ay ku sumcad xumeynayaan laamaha amniga.

"Boliiska Caasimadda wuxuu uga digayaa shakhsiyaadka iyo kooxaha danaha gaarka ah leh ee ku gabanaya magaca difaaca xuquuqda haweenka, isla-markaana faafinaya warar, eedeymo ama hadalo marin-habaabin ah oo dhaawacaya sumcadda hay’adaha amniga iyo kalsoonida bulshada inay ka waantoobaan falalka noocaas ah." Ayaa lagu soo geba-gabeeyay warka.

Ninka eedeysanaha ah ee hadda xiran ayaa lagu soo bandhigay Saldhigga Warta Nabadda ee Magaalada Muqdisho.