Booliska oo beeniyay in qof shacab ah lagu dhex dilay Saldhigga Degmada Waaberi

Taliska Qaybta Booliska Gobolka Banaadir ayaa war ka soo saaray dhacdo caawa fiidkii ka dhacday Saldhigga Boolisa Degmada Waaberi.
Taliska ayaa waxba kama jiraan ku tilmaamay wararka sheegaya in gudaha Saldhigga Degmada Waaberi lagu dilay qof, isla-markaana laga soo saaray meyd.
"Waa waxba kama jiraan wararka sheegaya in gudaha Saldhigga Booliska Waaberi ee Caasimadda lagu dilay qof, isla-markaana meyd laga soo saaray. Warkaasi waa been abuur aan sal iyo raad lahayn." Ayaa lagu yiri warka taliska.
Warka ayaa lagu sheegay "Abbaaro 20:50 ayaa xabad/ baalooto ka dhacday qoriga uu sitay mid ka mid ah askarta ka howlgasha saldhigga, ka dib markii eedeysane Farxaan Ibraahim Abshir uu qoriga la qabsaday askariga."
Taliska ayaa xusay in xabaddu ay si lama filaan ah uga dhacday qoriga uu watay askarigaasi, isla-markaana ay garabka uga dhacday eedeysanaha oo dhaawiciisu uu ku sheegay mid fudud.
"Xabad si lama filaan ah uga dhacday qoriga ayaa garabka ka haleeshay eedeysanaha, oo ah haatan dhaawac fudud. Dhacdadaasi wax dhimasho ah kama dhalan, mana jirto meyd laga soo saaray Saldhigga Booliska Waaberi." Ayaa lagu yiri warka oo intaasi ku daray "Waxaa socda baaritaan la xiriira dhacdadaasi."
Dhanka kale wararka la helayo ayaa sheegaya in xabadda laga maqlay saldhigga, wax yar uun ka dib, markii la keenay qof shacab ah oo la soo xiray.
Dadweyne ayaa soo xuumay afaafka hore ee Saldhigga Booliska Waaberi, ka dib markii xabadda la maqlay iyo buuq xigay oo xagga saldhiggaasi ka imanayay.
Ma cadda, waxa uu yahay eedeysanaha uu talisku sheegay in uu qoriga la qabsaday askariga iyo illaa iyo inta uu eedeysane yahay, laakiin askarta ayaa kuu sheegeysa in markaas uun la soo xiray.


