Booliska oo dhowr iyo toban qof ku xirxiray Magaalada Muqdisho

Dadkan ayaa la sheegay inay ka mid yihiin kuwa ka ganacsada waxyaabaha maanka-dooriya, waxaana lagu soo qabqabtay hawlgalo ay tan iyo xalay ciidamada ka wadeen Magaalada Muqdisho.

Hawlgaladan oo laga sameeyay Qaybaha Weliyow Cadde iyo Galbeed ayaa lagu soo qabqabtay xubnahan oo la sheegay in lagu raad joogay, iyadoona hadda lagu hayo xarumaha laamaha amniga.

Afhayeenka Ciidanka Booliska Soomaaliyeed, Dhamme Sadiiq Aadan Cali (Doodisho) ayaa sheegay in xubnaha la soo xiray ay ka mid yihiin kuwa magaalada ku iibiya waxyaabaha maanka-dooriya.

Afhayeenka Ciidanka Booliska ayaa tilmaamay in dhawaan la horgayn doono sharciga, si ay caddaaladda u wajahaan.

Muqdisho waxaa muddooyinkii ugu dambeysay ku soo badanayay dhallinta isticmaasha maandooriyaha, taasoo walaac xoog leh ku abuurtay waalidiin badan.

Hawlgaladan ugu dambeeyay ee laga sameeyay magaalada ayaa imaanaya toddobaad uun ka dib, markii Al Shabaab ay sheegtay in ay la dagaalami doonto ciyaal weerada iyo kuwa ka ganacsada maandooriyaha.

Warbaahinta gudaha ayaa maalmihii ugu dambeysay baahisay in magaalada lagu dilay ku dhawaad labaatan qof, oo u badan kooxaha ciyaal weerada.