Booliska oo laba nin ku xiray Magaalada Muqdisho

Ciidanka Booliska ayaa xalay laba nin ka soo qabtay Degmada Waaberi ee Gobolka Banaadir, ka dib markii lagu eedeeyay in ay dhac ka gaysanayeen degmadaasi.
Raggan ayaa la sheegay in mid ka mida uu ku hubeysnaa bastoolad caag ah, oo uu u adeegsanayay in dadka rayidka ah uu ku dhaco.
Ninka labaad ee ciidamada soo xireen ayaa la sheegay in isna uu ahaa darawalka mooto bajaaj, oo loo adeegsanayay falalka dhaca.
War ka soo baxay Taliska Qaybta Booliska Gobolka Banaadir ayaa lagu sheegay in labadaba la horgayn doono sharciga.
Muqdisho waxaa in muddo ahba ku soo badanayay kooxaha burcadda iyo ciyaal weerada, ee xilliyada habeenkii ah shacabka ku baarta, kuna dhibaateeya xaafadaha magaalada.


