Booliska oo sheegay in aan la ogolayn in mooto bilaa taargo ah lagu kaxeysto Muqdisho

Taliska Qaybta Booliska Gobolka Banaadir ayaa caawa sheegay in aan la ogolayn in mooto taargo la'aan ah lagu dhex kaxeysto Magaalada Muqdisho.
Taliska ayaa dhammaan mootooleyda ku wargeliyay in ay raacaan sharciga iyo habraacyada gaadiidka dalka, isla-markaana ay khasab tahay in mooto kastaa ay leedahay sumad lagu aqoonsado oo ku jirta nidaamka sharciyeynta gaadiidka.
Taliska ayaa war uu soo saaray kaga digay in tallaabo adag oo sharciga waafaqsan laga qaadi doono qofkii aan u hoggaansamin sharciga lagu maamulo gaadiidka dalka.
Tani ayaa imaneysa, iyadoo lagu guda jiro tobanka hore ee bisha barakaysan ee Ramadan, isla-markaana ay laamaha amnigu sare u qaadeen heerka feejignaantooda.
Marka la joogo Somaliya, gaar ahaan Gobolada Koonfurta ayaa waxaa bisha Ramadan dareen laga muujiyaa suurtagalnimada in ay kordhi karaan weerarada kooxaha argagixisada, maadaama kooxahaasi looga bartay in bishan oo kale ay gaystaan weeraro ka badan billaha kale ee sanadka.
Warka booliska ayaa u qornaa:-
Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed, gaar ahaan Boliiska Caasimadda, waxay ku wargelinayaan dhammaan wadayaasha mootooyinka (Feekon) in aan la ogolayn mooto taargo la’aan ah oo dhex socota gudaha caasimadda.
Sida uu dhigayo sharciga iyo habraacyada gaadiidka dalka, mooto kasta waa in ay leedahay taargo rasmi ah oo diiwaangashan, kuna jirta nidaamka sharciyeynta gaadiidka.
Qofkii lagu arko isaga oo wata mooto aan ku xirnayn taargo sharci ah, waxaa laga qaadi doonaa tallaabo adag oo waafaqsan sharciga.
Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed waxay mar kale ku adkaynayaan muwaadiniinta in ay u hoggaansamaan shuruucda gaadiidka, si loo xaqiijiyo amniga iyo kala dambeynta Caasimadda.


