Booliska Puntland oo soo bandhigay xubno ka tirsan Daacishta Somaliya

Taliska Qaybta Booliska Gobolka Bari ayaa Sabtidii soo bandhigay saddex xubnood oo ka tirsan Daacishta Somaliya ee fadhigoodu yahay Buuraleyda Gobolka Bari.

Raggan oo shalay galab lagu soo bandhigay Xarunta Taliska Qaybta Booliska Gobolka Bari ee Magaalada Boosaaso ayaa la sheegay inay iyagu isu soo dhiibeen laamaha amniga ee Puntland.

Cali Yuusuf Cali iyo Maxamuud Macalin Maxamed oo Soomaali ah iyo Muhanad Cabdullaahi Cabdiraxiin oo u dhashay dalka Suudaan ayaa Warbaahinta u sheegay inay garowsadeen in ay isa soo dhiibaan.

Cali Yuusuf Cali ayaa Warbaahinta u sheegay in lagu khalday ka mid noqoshada maleeshiyada Daacish, isagoo shaqo-doon ah, dibse uu ka ogaaday in waddo halis ah uu ku sugan yahay, in muddo ahna uu qorsheynayay sidii uu uga soo bixi lahaa.

Maxamuud Macalin Maxamed ayaa isna sheegay in muddo lix bilood ah uu ka tirsanaa maleeshiyadaasi, isagoona yiri "Waxaan isu soo dhiiby inaysan meesha oolin caqiiddo sax ah oo dadka ayaa la iska dilayaa, sababta aan ugu biiray waxay tahay nin ayaga la jooga ayaa i khalday oo igu yiri meeshaas baan ka shaqeeyaa, shaqo fiicanaa ku jiraa, anigoo Muqdisho iska joogo, sababtaas baan u imid meesha."

Muhanad Cabdullaahi Cabdiraxiin oo Suudaani ah ayaa sheegay in muddo kooban uu ka tirsanaa Daacish, haatana uu codsanayo in cafis loo fidiyo.

Korneyl Cabdiqaadir Jaamac Dirir, Taliyaha Qaybta Booliska Gobolka Bari ayaa sheegay in ay isu soo dhiibeen 12 nin oo sida uu sheegay ay hadda gacanta ku hayaan, kuwaa oo lix ka mida uu ku sheegay inay Soomaali yihiin, halka lixda kalena ay ajaaniib yihiin. Afar ka mida ajaaniibtaasi ayuu sheegay inay u dhasheen dalka Itoobiya, labada kalen ay Suudaan u dhasheen.

Taliyaha ayaa Warbaahinta u sheegay in si wanaagsan loola dhaqmay xubnaha ka soo goystay Daacishta Somaliya, isagoona sababta ay isu soo dhiibeen ku sheegay inay dareemayaan sida uu yiri afkaar khaldan.

"Waxaan rabnaa marka nimankaas inaan bulshada la wadaagno, ugana digno markaan wareysanay qaababka ay u soo galeen iyo siyaabaha ay ugu biirayaan. Dadkaas boqolkiiba sagaashan (90%) marka si dhab ah loo baaro waa dad lagu tashkiiliyay shaqooyin iyo waxyaabo la mid ah ee aan boqolkiiba boqol (100%) fekerkoodu uusan ka iman inay meeshaas joogaan, sidaad ka garaneysaan sida ay u soo cararayaan. Marka dadka waxaanu leenahay qofka shaqada idin kaxeynaya ama beeraha idinkaga dhigaya in dhammaan qof walba uu ka feejignaado, shaqo uusan ogeyna uusan aadin." Ayuu yiri Taliyaha oo dhanka kale ganacsatada ugu baaqay inay joojiyaan dhaqaalaha ay siiyaan kooxaha argagixisada ee lagu daadinayo dhiigga dadka Soomaaliyeed.

Kornel Dirir ayaa sheegay in hadda ka dib ay il gooniya u lahaan doonaan ganacsatada dhaqaalaha siiya kooxahaasi, ciddii lagu helana ay ka qaadi doonaan sida uu yiri tallaabo shaqada waafaqsan.

Korneyl Dirir ayaa hadalkiisa ku xoojiyay "Qofka in hantidiisa lagu dhibaateeyo ummadda, sax ma ahan."