Booliska Somaliland oo war ka soo saaray bambo ay dad ku dhaawacmeen

Taliska Ciidanka Booliska Somaliland ayaa warsaxaafadeed ka soo saaray bambo gacmeed caawa ku qaraxday goob ay fadhiyeen laba askari oo ka tirsan Militariga Somaliland oo ku taala Magaalada Hargeysa, isla-markaana ay ku dhaawacmeen afar qof oo labadaasi askari ay ku jiraan.
Taliska ayaa sheegay in bambada ay dhulka kaga dhacday mid ka mid ah askartaasi, isla-markaana aysan jirin wax ujeeddo ah oo loo tuuray bambadaasi.
"Caawa abbaaro 7:00 fiidnimo waxa bambo-gacmeed ku qaraxday goob ay fadhiyeen laba askari oo ka tirsan Ciidanka Milatariga Jamhuuriyadda Somaliland, taas oo sababtay dhaawaca labada askari iyo laba qof oo shacab ah oo ku sugnaa goobta. Dhammaan dadka dhaawacmay waxa loo gudbiyey Cisbitaalka Guud ee Magaalada Hargeysa." Ayaa lagu yiri warsaxaafadeedka oo lagu xusay "Bambo-gacmeedka ayaa dhulka kaga dhacay mid ka mid ah askarta dhaawacantay, mana jirto wax ujeeddo ah oo loo tuuray bambo-gacmeedka, waxaana socda baadhitaan dheeraad ah."
Taliska ayaa dhanka kale beeniyay wararka la isku la wadaagay baraha bulshada ee sheegaya in qarax uu ka dhacay Hargeysa.
"Taliska Ciidanka Booliska Jamhuuriyadda Somaliland waxa uu si cad u beeninayaa wararka marin-habaabinta ah ee lagu baahiyey baraha bulshada ee sheegaya in qarax ka dhacay Magaalada Hargeysa." Ayuu talisku ku sheegay warsaxaafadeedka.
Taliska ayaa bulshada uga digay faafinta wararka aan la hubin ee dhaawici kara baa warsaxaafadeedka lagu yiri amniga iyo xasilloonida.
"Sidoo kale, Taliska Ciidanka Boolisku waxa uu bulshada uga digayaa faafinta wararka aan la hubin ee dhaawici kara amniga iyo xasilloonida." Ayaa lagu soo geba-gabeeyay warsaxaafadeedka Booliska Somaliland.


