Cabdi Xiish oo la xaqiijiyay in uu ku geeriyooday dagaalkii Moqokori

Gudoomiyaha Degmada Beledweyne ee Maamulka Gobolka Hiiraan, Cumar Cismaan Calasow ayaa xaqiijiyay in Cabdi Muumin Cilmi (Cabdi Xiish) oo ka mid ahaa Saraakiisha Ciidamada uu ku geeriyooday dagaalkii Isniintii ka dhacay Degmada Moqokori ee gobolkaasi.

Cabdi Xiish oo ka tirsanaa Saraakiisha Hay'adda Nabad Sugidda & Sirdoonka Qaranka (NISA) ayaa lagu waayay dagaalka, waxaana warka maqnaanshihiisa ay dadku aad u hadal hayeen 24-kii saac ee ugu dambeysay.

Gudoomiye Calasow ayaa war uu soo saaray ugu tacsiyeeyay qoyskii, eheladii iyo ummadda Soomaaliyeed oo uu ka baxay Allaha u naxariistee Cabdi Xiish, oo xubin ka ahaa Saraakiisha Hay'adda NISA, kuwooda ugu firfircoon ee ka hawlgala Gobolka Hiiraan.

Nin la dhashay Cabdi Xiish oo lagu magacaabi jiray Axmed Muumin Cilmi (Axmed Geeddi) ayaa Sabtidii ku dhintay dagaal ka dhacay deegaanka Gumare oo hoostaga Degmada Moqokori.

Shabaabka ayaa Jimcihii la wareegay deegaankaasi, wuxuuna Axmed Geeddi uu ka mid ahaa ciidamadii Sabtidii gacanta dowladda ku soo celiyay Gumare oo wax ka yar 10km u jirta Moqokori, inkastoo deegaankan mar kale uu Isniintii ka baxay gacanta dowladda.

Waxaa ka sii horreyay walaalkood Maxamed Mumin Cilmi (Maxamed Saney) oo isna 14-kii bishii January ee sanadkii 2023 ay dhagartay Al Shabaab.

Maxamed Saney oo ka mid ahaa Saraakiisha Militariga ayay rag bastoolado ku hubeysnaa ku toogteen Magaalada Muqdisho, maalmo yar uun ka dib, markii uu ka soo laabtay jiidaha hore ee Gobolka Hiiraan.

Qoyska aabe Muumin Cilmi Iidow iyo hooyo Xaliimo Cabdi Xiirey ayaa dal iyo dibadba waxaa ka soo gaaraya farriimaha tacsida ee ku aaddan geerida naxdinta leh ee kala dambeysay ee ku timid wiilashooda.