Cabdicasiis Laftagareen oo dib loogu doortay Madaxweynaha Koonfur Galbeed
Madaxweynaha Koonfur Galbeed, Cabdicasiis Xasan Maxamed (Laftagareen) ayaa la sheegay in dib loogu doortay xilka Madaxweynaha, ka dib doorasho maanta ka dhacday Magaalada Baydhabo.
Madaxweynaha ayaa waxaa la tartamayay Wasiirkiisii Arrimaha Gudaha, Cabdullaahi Xaaji Xasan, oo maanta labaduba la guddoonsiiyay shahaadada musharaxnimada.
Doorashadan ayaa ahayd mid ay wax dooranayeen Xildhibaanada Baarlamaanka Koonfur Galbeed, kuwaas oo Sabtidan lagu dhaariyay Baydhabo.
Xildhibaanada ayaa waxay bilowgii Xasan Cabdi Nuur (Aalbaro) u doorteen Gudoomiyaha KMG ee Baarlamaanka, iyadoona intaasi ka dib la guda galay Doorashada Gudoomiyaha Baarlamaanka iyo Kuxigeenadiisa. Dr. Cali Saciid Fiqi ayaa loo doortay Gudoomiyaha Baarlamaanka Koonfur Galbeed. Fiqi oo horey u soo noqday Safiir iyo Xildhibaan Federaal ah ayaa mar labaad loo doortay jegada Gudoomiyaha Baarlamaanka Koonfur Galbeed, ka dib markii uu doorashada kaga adkaatay Diini Sheekh Xasan.
Ma jiro wax is bedel ah oo ku yimid Guddoonka Baarlamaanka, marka aad eegto in ay sidoo kale soo laabteen Gudoomiye Kuxigeenka 1aad, Maxamed Nuur Maxamed Macalin (Gaabow) iyo Gudoomiye Kuxigeenka 2aad ee Baarlamaanka, Shamsa Maxamed Yarow.
Dhammaan xubnaha la doortay ayaa isla goobta lagu dhaariyay, si loo sii wado howlaha shaqo ee maamulka.
Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed ayaa qabatay doorasho boobsiis oo hal maalin ah, waana xilli khilaafka kala dhaxeeya Dowladda Federaalka uu meeshii ugu sarreysay gaaray.
Laftagareen oo hadlayay ka dib doorashadiisii ayaa Madaxda Dowladda Federaalka ugu baaqay in aysan dhibaato u horseedin dadka reer Koonfur Galbeed.
Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta Magaalada Muqdisho ka sheegay in laga yimid doorasho dadban, dalkuna uu aadayo doorasho qof iyo cod ah.
Madaxweyneyaashii hore ee dalka, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Shariif Sheekh Axmed ayaa u hambalyeeyay Madaxda Koonfur Galbeed ee dib loo doortay.








