Cabdifitaax Cali Xasan oo lagu toogtay Magaalada Guriceel
Ciidamada Qalabka Sida ayaa gelinkii dambe ee maanta fagaare ku yaala duleedka Magaalada Guriceel ku toogtay Cabdifitaax Cali Xasan Diiriye, iyadoo la fulinayo xukunkii dilka ahaa ee ay ku ridday Maxkamadda Gobolka Galgaduud.
Maxkamadda Gobolka Galgaduud ayaa maanta ninkan ku heshay in 16-kii bishan uu magaaladaasi ku dilay ganacsade Deeq Cabdi Jaamac.
Maxkamadda ayaa dedejisay xukunka kiiskan, oo la xiriira dilalka aanooyinka qabaa'ilada ee muddooyinkanba ku soo badanayay deegaanada Galmudug.
Garsoorka Maxkamadda Gobolka Galgaduud ayaan daahin in si degdeg ah loo fuliyo xukunka dilka ah ee lagu xukumay gacan ku dhiiglaha, si farriin loogu diro maleeshiyaadka beelaha ee gaysanaya dilalka aanooyinka.
Wararka ayaa sheegaya in Garyaqaan Xasan Cabdullaahi Cali, Gudoomiyaha Maxkamadda Gobolka Galgaduud uu ciidamada weydiistay in sida ugu dhakhsaha badan loo toogto ninkaasi, ka dib codsi uga yimid Odayaasha Dhaqanka ee reer Guriceel.
Odayaasha iyo waxgaradka deegaanka qaarkood ayaa goor sii horreysay ballanqaaday in cid kasta oo dil ka gaysata Guriceel la gayn doono tiirka, si waafaqsan Shareecada Islaamka.
Xaalad kacsanaan ah ayaa habeenkii Axadda laga dareemay Magaalada Guriceel, wax yar uun ka dib, markii ninkaasi uu bartamaha magaalada ku dilay marxuum Deeq Cabdi Jaamac.
Dilalka aanooyinka beelaha ayaa la sheegay in sanadkan ay meeshii ugu sarreysay ka gaareen Galmudug.
Dadka reer Guriceel ayaa bogaadiyay in caddaaladdu ay shaqeyso, maadaama ay tahay dariiqa keliya ee ay dadku ku kala badbaadi karaan.







