Cabdinaasir Saxansaxo oo loo magacaabay Afhayeenka Xukuumadda Federaalka

Raysal Wasaaraha Somaliya, Xamse Cabdi Barre ayaa Cabdinaasir Axmed Bashiir (Saxansaxo) u magacaabay Agaasimaha Waaxda Warfaafinta ahna Afhayeenka Xafiiska Raysal Wasaaraha.
Qoraal lagu daabacay bogga wararka ee Xafiiska Raysal Wasaaraha ayaa maanta lagu shaaciyay magacaabidda Afhayeenka cusub.
Cabdinaasir Saxansaxo ayaa ah nin Wariye ah oo bahda Saxaafadda ay wada garaneyso, wuxuuna ka soo shaqeeyay BBC laanteeda afka Somaliga, wuxuuna horey u soo noqday Agaasimaha Telefishinka Jubbaland.
Cabdinaasir Saxansaxo ayaa bedelaya Farxaan Maxamed Jimcaale, kaas oo bishii July loo magacaabay xubin ka tirsan Guddiga Madaxabannaan ee Xuquuqul Insaanka Qaranka.
Farxaan Maxamed Jimcaale ayaa bishii July ee sanadkii 2022 loo magacaabay in uu noqdo Afhayeenka Xukuumadda Federaalka, ka dib muddo dheer oo uu ka soo shaqeynayay BBC.


