Cabdiqaadir Axmed Aw-Cali oo loo doortay Madaxweynaha Waqooyi Bari

Cabdiqaadir Axmed Aw-Cali (Firdhiye) ayaa maanta loo doortay Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Waqooyi Bari, ka dib markii wareegga labaad ee doorashada uu kaga adkaaday Musharax Madaxweyne Cabdirisaaq Khaliif Axmed.

Cabdiqaadir Axmed Aw-Cali ayaa ku guuleystay codad ka badan intii uu ku noqon karay Madaxweynaha soo socda ee Dowlad Goboleedka Waqooyi Bari.

Doorashadan oo ahayd mid ay wax dooranayeen Xildhibaanada Baaarlamaanka ee maamulkaasi ayuu Firdhiye helay 62 cod, halka Cabdirisaaq Khaliif Axmed uu helay 18 cod.

Gudoomiyaha Baarlamaanka, Dr Aadan Cabdullaahi Aw-Xasan ayaa ku dhawaaqay in Musharax Madaxweyne Firdhiye uu yahay Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Waqooyi Bari ee xilka loo doortay shanta sano ee soo socota.

Xildhibaanada Baarlamaanka ayaa lagu wadaa in goor dhow ay doortaan Madaxweyne Kuxigeenka maamulkaai, oo ay sharaxan yihiin illaa shan musharax.

Dhanka kale inta badan dadka ku dhaqan Magaalada Laascaanood ayaa doorashadan kala socda guryahooda, iyagoo ka daawanaya telefishinada iyo barraha bulshada.

Dadka deegaanka ayaa waxaa saamayn ku yeelatay awaamiirta laamaha amniga ee lagu adkeynayo ammaanka magaaladaasi.

Laamaha amniga ayaa saqdii dhexe ee xalay magaalada geliyay xaalad bandow ah, waxayna mamnuuceen gaadiidka soo gelaya magaalada laga bilaabay 12:00 habeenimo ee xalay illaa 6:00 maqribnimo ee caawa.

Gaadiidka dadweynaha ayaa sidoo kale la mamnuucay in ay ku dhex socdaan waddooyinka magaalada, illaa laga gaarayo waqtiga loo asteeyay.