Cali Dheere "Mareykanka mar kale ayuu dalka ku soo hoggaamiyay Itoobiya"

Afhayeenka Guud ee Ururka Al Shabaab, Cali Maxamuud Raage (Cali Dheere) ayaa Dowladda Mareykanka ku eedeeyay in ay mar kale dalka ku soo celisay Ciidamada Itoobiya, si buu yiri dhulka iyo badaha dalka loo makaniyo, loona burburiyo ku dhaqanka Shareecada Islaamka.

Afhayeenka ayaa sheegay in xoog iyo cudud wixii ay leeyihiin, ay isugu gayn doonaan, sidii ay dalka kaga difaaci lahaayeen Militariga Itoobiya.

"Qorshaha koowaad ee aan leenahay waa inaan la dagaalano Xabashida." Ayuu yiri Afhayeenka oo Idaacadda Al Furqaan la hadlay.

Cali Dheere ayaa shacabka Soomaaliyeed ugu baaqay in ay ka qayb qaataan dagaalka uu sheegay in dalka looga difaacayo Ciidamada Itoobiya, haddii kalena ay maalkooda u huraan difaaca dalka, kuwa kalena ay u soo duceeyaan.

"Ninkii aan ka soo qaybgeli karin ee ay tabari hayso ama waayeela ama dumar ah, waxaan leenahay ducada nagu soo kaalmeeya." Ayuu yiri Cali Dheere.

Dowladda Somaliya ayaa dhawaan sheegtay in dalalka deriska ee kala ah Jabuuti, Itoobiya iyo Kenya ay dalka u soo dirayaan ciidan aan qayb ka ahayn amaba ka tirsanayn Hawlgalka Nabad Ilaalinta Midowga Afrika ee ATMIS, si ay uga qayb qaataan wejiga labaad ee gulufka dalka looga saarayo maleeshiyada Al Shabaab, ka dib shirkii Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud iyo madaxda dalalka safka hore ay 1-dii bishii February ku yeesheen Magaalada Muqdisho.

Ciidamo fara-badan oo Itoobiyaan ah, isla-markaana aad u hubeysan ayaa 10-kii bishan ka soo gudbay xuduudda labada dal, iyagoona gaaray Degmada Doolow ee Gobolka Gedo.