Cali Guudlaawe oo noqday musharaxa rasmiga ah JSP ee Hirshabelle
Urur Siyaasadeedka JSP ee Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud uu hoggaamiyo ayaa si rasmi ah Madaxweynaha Hirshabelle, Cali Cabdullaahi Xuseen (Cali Guudlaawe) ugu xushay inuu noqdo musharaxa uga qaybgelaya doorashada madaxtinimada Hirshabelle.
Munaasabad lagu qabtay Xarunta Ururka Caddaaladda iyo Wadajirka (JSP) ee Magaalada Muqdisho ayaa Axaddan lagaga dhawaaqay musharaxtinimada Cali Guudlaawe, iyadoona halkaasi lagu guddoonsiiyay kaarka Shimbirta Cagaaran 15 ee astaanta u ah ururka.
Tallaabadan ayaa la filayaa inay sii hurin doonto khilaafka siyaasadeed ee ka dhashay, ka dib markii Madaxweyne Xasan Sheekh uu habeenkii Khamiista uu Madaxweyne Kuxigeenka Hirshabelle, Yuusuf Axmed Hagar (Yuusuf Dabageed) u sheegay in Villa Somalia ay taageereyso dib-u-doorashada Cali Guudlaawe.
Taageerada Villa Somalia ayaa Cali Guudlaawe siineysa guusha doorashada, bacdamaa aanu jirin hannaan daahfuran oo muuqda oo si xor iyo xalaal ah loogu tartamayo doorashada soo socota.
Siyaasiyiinta Gobolka Hiiraan ayaa si adag uga horyimid in Cali Guudlaawe uu mar labaad u tartamo xafiiska, iyagoona Madaxweyne Xasan Sheekh ku eedeeyay in uu jebiyay heshiiskii siyaasadeed ee ilaalinayay in xilka hoggaanka sare ee maamulka uu si meerto ah ugu kala wareego labada gobol ee Hiiraan iyo Shabellaha Dhexe.
Cali Guudlaawe ayaa 11-kii bishii November ee sanadkii 2020 loo doortay xilka Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Hirshabelle, iyadoona tan iyo xilligaasi uu maamulayay maamulka.














