Cali Jeyte oo abaabul ciidan ka wada Gobolka Hiiraan
Cali Jeyte Cismaan oo dhawaan loo igmaday inuu hoggaamiyo hawlgalka Gobolka Hiiraan ayaa abaabul iyo diyaargarow ciidan ka wada gobolkaasi.
Cali Jeyte Cismaan oo maalin ka hor gaaray deegaanka Goobo oo hoostagga Degmada Maxaas ayaa halkaasi ku abaabulaya Ciidanka Xoogga Dalka iyo xoogaga deegaanka ee lagu wado in hawlgalka ka qayb qaataan.
Cali Jeyte oo goob fagaare ah kula hadlay dadka deegaanka ayaa ku amaanay inay si dhab ah ugu taagan yihiin la dagaalanka maleeshiyada Al Shabaab.
Waxa uu ugu baaqay in mar kale ay gacan weyn ka gaystaan dadaalada dadka reer Hiiraan looga dul qaadayo maleeshiyadaasi, si la mid ah wejigii hore ee hawlgalka oo door muhiim ah ay ka qaateen.
Waxa uu intaasi ku daray in loo baahan yahay in Shabaab laga ciribtiro Gobolka Hiiraan oo dhan, ayna tahay in guluf dagaal lagu qaado dhulka ay haatan kaga harsan yihiin gobolkaasi, maadaama ay sii wadaan weerarada ay dadka rayidka ahi ku bartilmaameedsanayaan.
Cali Jeyte ayaa sheegaya inay doonayaan in muddo yar ay dalka kaga xoreeyaan kooxaha argagixisada, shacabkuna uu muhiim u yahay dagaalka dib-u-xoreynta dalka.
Diyaargarowga ciidan ee gobolka jira ayaa waxaa qayb ka ah odayaasha, waxgaradka iyo siyaasiyiinta deegaanka, oo dhankooda ka abaabulaya Xoogaga Difaaca Shacabka.
Hawlgalkan uu hormuudka ka yahay Jeyte ayuu qorshuhu yahay in Shabaabka lagaga kiciyo daanta galbeed ee Webiga Shabelle, halkaas oo ay gobolka ka maamulaan.










