Cali Jeyte oo iclaamiyay guluf ka dhan ah Al Shabaab

Cali Jeyte Cismaan, Gudoomiyihii hore ee Gobolka Hiiraan, haatana ku adkaysanaya in uu yahay Madaxweynaha Hiiraan State ayaa ku dhawaaqay guluf dagaal oo maleeshiyada Al Shabaab lagaga saarayo gobolkaasi.
Cali Jeyte Cismaan iyo xubno uu horkacayo oo gelinkii dambe ee Axaddii shalay gaaray deegaanka Teedaan ee gobolkaasi ayaa sheegay in ay gobolka ka ciribtiri doonaan haraadiga maleeshiyadaasi.
Cali Jeyte oo soo hadalqaaday dadka lagu laayay qaraxii weynaa ee Sabtidii ka dhacay Magaalada Beledweyne ayaa wacad ku maray in ay u aargudi doonaan dhibaneyaasha.
"Waxaa igu ballan ah oo wacad Ilaahay igu ah inaan u aarayo, haddii Ilaahay idmo, waxaan idinka Ilaahay ku suuragalin, ma suurtagalaan." Ayuu yiri Cali Jeyte.
Waxa kaloo uu yiri "Haddii Alle idmo waxaa ballan Ilaahay ah inaanan tacsi meel la soo istaagin. 15 sano ayay dadka nagu hor dilayeen oo tacsi direynay, haddaysan waxba garaneynin dee in gacan la isaga dhuftee noqotay, soo maaha? Gacantan isaga dhufanayna kuma aanan khasaarin."
Sidoo kale waxa uu soo hadalqaaday shirkii uu habeenkii Khamiista kaga qaybgalay Magaalada Dhuusamareeb ee looga hadlayay dardargelinta dagaalka lagu la jiro maleeshiyada Shabaabka, isagoona dadka deegaanka ugu yeeray in ay dagaalkaasi gacan ka gaystaan.
"Annaga shirkii Dhuusamareeb ayaan ka nimid, shirkaasi wuxuu ahaa shir looga tashanayo nimankaas, sidii Somaliya looga saari lahaa. Waxba kala qarsan mayno nimankaas in Somaliya laga saaraa loo baahan yahay, waxaana idiin sidnaa annagoo idinka idiin metelayno aan soo qaadnay Shabaab in lala dagaalamo, inaad nala qaaddaana waan rabnaa." Ayuu yiri Jeyte.
Jeyte ayaa intaasi raaciyay "Shabaab nimanka la yiraahdo Muslim ma aha oo bani'aadam ma aha, waa arxanlaaweyaal, waana mucjiso ku soo korortay adduunka, waa kuwo loo isticmalayo Diinta Islaamka inay suurad xumeeyaan. War dad boqolkiiba boqol Muslim ahaa nahayee, kuwaan Diinta Islaamka maka celinaa, oo diinta ma u hiilinaa, lafahaynana maka ilaashanaa?"
Jeyte ayaa dadka deegaanka u sheegay in uu iclaaminayo dagaal ay tahay in xididada loogu siibo Al Shabaab, isla-markaana uu u baahan yahay taageeradooda.
"Waqti badan ma jiro waxaan iclaaminaynaa dagaal lala gelayo Al Shabaab, hoos ma loo dhahayo. Waxaa codsi iga ah cadowgiina inaad dishaan, deegaanadiina ka dheereysaan oo Somaliya ka saartaan, aakhiradiinana aad wax u shaqeysataan." Ayuu yiri Jeyte.
Jeyte ayaa ugu dambayn sheegay in Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud uu u igmaday in uu dagaalka gobolka hoggaamiyo, sidaasi daraadeedna uu weydiisanayo in ay dagaalka ku garab istaaggaan.
"Waad ogtihiin Madaxweynaha Jamhuuriyadda mar labaad wuxuu yimid Degmada Maxaas, dagaalka Shabaab inaan hoggaamiyo ayuu ii igmaday, adinka haddaanan taageero idinka helin, qolo kale oo Soomaali ah oo taageero ka helayo ma jirto." Ayuu yiri Jeyte.
Jeyte ayaa hoggaaminayay wejigii koowaad ee hawlgalka ee sanadkii hore ka bilowday Gobolka Hiiraan, keentayna in Shabaabka lago saaro deegaanadii ay ka maamulayeen daanta bari ee gobolkaasi.


