Cali Jeyte: Qorshuhu hadduusan naga xumaan, Shabaab waan ka adagnahay

Cali Jeyte Cismaan, Gudoomiyihii hore ee Gobolka Hiiraan ayaa sheegay in Ciidanka Xoogga Dalka iyo xoogaga deegaanka ee la abaabulay ay ka adag yihiin maleeshiyada Al Shabaab, haddii ay si dhab ah u wajahaan.
"Waxaan leeyahay furinta aan isugu tagno." Ayuu yiri Cali Jeyte Cismaan oo ka hadlayay kulan uu Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud uu Magaalada Dhuusamareeb kula yeeshay Guddoonka Labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka, Xildhibaano, Siyaasiyiin iyo Saraakiil ka tirsan ciidamada ee ka hawlgala furimaha dagaalka.
Cali Jeyte ayaa sheegay in ay fahamsan yihiin xeeladaha Al Shabaab, isla-markaana ay ka adag yihiin, haddii aanu qorshuhu ka xumaan.
"Horta xisaab aan formala (qaaciddo) ku iman soo ma degayso, soo maaha? Formalaha Shabaab waan fahamsannahay, Al Shabaab formalihiisa waa mid cad, mid lagu khaldami karo ma ahan, haddaan qorshuhu naga xumaan Shabaab waan ka adagnahay, qorshuhu hadduusan naga xumaan Al Shabaab waan ka adagnahay, sababtu tahay been bay sheegi jireen, beentiina waa dhammaatay." Ayuu yiri Cali Jeyte.
Cali Jeyte ayaa yiri "Wixii qorshe ciidan ah hoos baan uga hadli doonnaa, laakiin waxaan rabaa inaan u sheego dadka Soomaaliyeed ee caawa halkan fadhiya, haddaan Shabaab ku dhiirano oo si dadnimo ah ugu dhiirano, Shabaab waa laga adagyahay, waan soo tijaabinay waana aragnay, haddana kayntan yar uu ku jiro, hadduu Webiga Shabelle koonfur ka marana wuu dalooshamay."
Jeyte ayaa tilmaamay in sidoo kale ay Shabaab ka saari doonaan deegaanada ay uga harsan yihiin Galmudug, isla-markaana uu Alle ka rajeynayo inaanu Madaxweynuhu ka tagin Dhuusamareeb, isagoo madaxiisa foorara.
"Meeshaan yaroo hadda uu ku jirana ee Galmudug, waan ka saaraynaa. Madaxweyne waxaan Ilaahay ka rajeynaya, haddaad caawa yar foorarto, adoo foorara Dhuusamareeb ka tagi maysid." Ayuu yiri Jeyte.


