Carro ka dhalatay jirdil ay ciidamadu Muqdisho ugu gaysteen nin da' ah

Shacabka Soomaaliyeed, gaar ahaan kuwa ku nool Magaalada Muqdisho ayaa carro xoog lihi ka muujiyay fal argagax leh, oo ciidamada amniga ay maanta kula kaceen nin da' ah oo degan caasimadda.
Ciidamada ayaa xaafadda Siinaay ee Degmada Warta Nabadda ku jirdilay Sheekh Axmed Siicow Maxamed, kaasoo dhawaan isaga iyo dad kale ay cabasho ka muujiyeen guryahooda, oo sida ay sheegeen si xoog ah looga saaray, isla-markaana la burburiyay.
Sheekh Axmed Siicow oo nin culimo ah, Isniintiina Hotel Jazeera kaga qaybgalay kulan ay Siyaasiyiinta Mucaaradka warbixin uga dhageysanayeen dadka cabashada qaba ayaa sheegay in isagoo hurda lagu qaaday gaari cagaf-cagaf ah, isla-markaana uusan garaneyn sababta ay sidaasi ugu dhacday.
"Waxa igu dhacay, waa wax aan aqooninba. Cagaf ayaa la igu qaaday aniga iyo macal laamiyeeriga/jiingadda, markaasaa la iga soo dhigay." Ayuu yiri Sheekh Axmed Siicow.
Sheekha iyo dad kale oo maanta tegay goobihii ay guryahooda ku yaalleen oo hadda dhul bannaan ah ayaa gacan-qaad kala kulmay ciidamo mar sii horreysay qaab ilaalo ahaan halkaasi loo geeyay.
Barraha bulshada ayaa si weyn la isku la wadaagay muuqaalo muujinaya ciidamada oo jirdilaya odayga iyo qof kaloo dumar ah, oo magaceeda lagu sheegay Sahra, iyadoona ciidamadu ay odayga ku xireen Saldhigga Booliska ee Degmada Warta Nabadda, iyaga oo sida la sheegay xitaa diiday in la soo booqdo. Sahra oo iyana hooyo ah, isla-markaana uu dhaawac ka soo gaaray gacanta midig ayaa la dhigay isbitaalka.
Ciidamadan ayaa la aaminsan yahay in ay si gaar ahi uga amar-qaataan Taliyaha Qaybta Booliska Gobolka Banaadir, Korneyl Mahdi Cumar Muumin, kaas oo ah gacanta midigta ee hawlgalka burburinta ee Maamulka Gobolka Banaadir uu ka wado Magaalada Muqdisho, iyadoo Korneyl Mahdi uuba yahay ninka amray in odayga la xiro.
Dadka reer Muqdisho iyo Siyaasiyiinta Mucaaradka ee la magac-baxay (Madasha Samatabixinta Soomaaliyeed) ayaa si adag uga dhiidhiyay falkan, oo ay ku sheegeen mid ka baxsan bani'aadantinimada, isla-markaana aan ku habbooneyn dowladnimada iyo wada shaqayntii shacabka & ciidamada.
Dowladda Federaalka iyo laamaha amniga oo dareemay cawaaqibka ay leedahay arrintan ayaa hadda wada dhaqdhaqaaq ay isaga fogeynayaan in ay ku lug leeyihiin xadgudubka ay ciidamadu gaysteen.
Hawlgalka guryaha lagu burburinayo ee muddooyinkanba ku soo badanayay Muqdisho ayaa kiciyay dareenka bulshada, ka gadaal markii dad badan oo ka cawday in la boobay hantidooda maguurtada ah ay sheegeen inay waayeen maxkamad ay dacwadooda ku hagaajiyaan, isla-markaana Maxkamadda Gobolka Banaadir ay diiday inay galkooda furto.
Dhammaan dadka ka cabanaya in si sharci darro ah loola wareegay guryahooda ayaa ka siman hal shay, oo ah inaysan jirin meel ay u raadsan karaan xuquuqdooda.