Ciidamada amniga oo gacanta ku dhigay askari bajaajle ku dilay Muqdisho

Wararka ka imaanaya Magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in ciidamada amniga ay gacanta ku soo dhigaan nin askari ahaa, oo galabta darawal mooto bajaaj ku dilay Degmada Yaaqshiid.

Goobjoogeyaal ayaa sheegaya in askarigu uu rasaas huwiyay marxuumka, ka dib markii uu diiday in uu si lacag la'aan ah ku qaado.

Askari dilka gaystay oo ku labisnaa dareyska Ciidamada Militariga ayaa la sheegay in goobta uu ka baxsaday, balse markii dambe ay gacanta ku soo dhigeen ciidamada.

Dhacdadan ayaa ka dhacday xaafadda Carafaad ee degmadaasi, iyadoona meydka wadaha mooto bajaajta uu in doora yaala goobtii lagu dilay.

Askariga dilka lagu eedeeyay ayaa lagu soo bandhigay Saldhigga Booliska Degmada Yaaqshiid.

Dilalka darawalada mooto bajaajta ayaa ku badan Magaalada Muqdisho, inkastoo billihii ugu dambeysay aad mooddo in dilalkaasi ay soo yaraanayeen.