Ciidamada amniga oo gacanta ku soo dhigay haweeney saygeeda ku dishay Muqdisho

Ciidanka Booliska Gobolka Banaadir ayaa gacanta ku soo dhigay haweeney lagu eedeeyay in saygeeda ay caawa fiidkii ku dishay Magaalada Muqdisho.

Taliska Qaybta Booliska Gobolka Banaadir ayaa war uu soo saaray ku sheegay in haweeneydan ay marxuum Xasan Maxamed Nuur ku dishay Waaxda Kordamac ee Degmada Dayniile.

Warka ayaa lagu sheegay in haweeneydan oo lagu magacaabo Faadumo Maxamed Cismaan ay dilka u adeegsatay toorey.

Booliska oo baahiyay sawirka haweeneydan ayaa warka ku sheegay in loo gudbin doono maxkamadda awoodda u leh kiiska ay ku eedeysan tahay.

Dhacdadan ayaa qayb ka noqoneysa mowjadaha dilalka argagaxa leh ee muddooyinkanba ka dhacayay meelo ka mid ah dalka.

Dilalka ay isku gaysanayaan xubnaha qoysaska dhexdooda ayaad mooddaa sanadihii u dambeeyay ay aad ugu soo badanayeen dalka.