Ciidamada amniga oo Muqdisho ku xiray nin ku eedeysan kufsiga gabar 11 jir ah

Ninkan oo ku eedeysan afduubka iyo kufsiga gabar 11 jir ah ayaa xalay lagu xiray Degmada Dharkiinley ee Gobolka Banaadir.
Yuusuf Daahir Xasan oo 53 jir ah ayaa lagu eedeeyay in uu falkan gaystay 31-kii bishii ina dhaaftay ee March, muddaasina uu baxsad ku maqnaa.
War qoraal ah oo ka soo baxay Taliska Qaybta Booliska Gobolka Banaadir ayaa lagu sheegay in eedeysanaha uu wajihi doono sharciga.
Falalka Kufsiga iyo tacadiyadaha ka dhanka ah haweenka ayaa sanadihii ugu dambeeyay ku soo badanayay dalka.


