Ciidamada amniga oo ugu dambayn soo afjaray weerarkii Hotel Pearl Beach

Wararka naga soo gaaraya Magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in ciidamada amniga ay goor dambe oo xalay ahayd soo afjareen weerarkii dableyda maleeshiyada Al Shabaab ka tirsan ay fiidnimadii xalay ku qaadeen Hotel Pearl Beach.
Hotelkan oo ku yaala Xeebta Liido ee Degmada Cabdicasiis ayaa sideed saacadood oo xiriir ah laga maqlayay rasaas iyo qaraxyo.
Inkastoo Dowladda Federaalka aysan weli si rasmi ah ugu dhawaaqin in weerarkaasi la soo afjaray, haddana Wariye-yaasha ayaa soo sheegaya in ciidamadu ay si buuxdo gacanta ugu hayaan dhismaha hotelkaasi.
Illaa lix nin oo ku hubeysnaa qoryaha daran-dooriga u dhaca ayaa gudaha u galay Dhismaha Pearl Beach, wax yar uun ka dib, markii nin isku qarxiyay afaafka hore ee hotelkaasi. Goobjoogeyaal ayaa sheegay in ninkaasi uu xirnaa jaakadda ka sameysan walxaha qarxa.
Pearl Beach oo isugu jira hotel iyo maqaaxi ayaa noqonaya hotelkii 3aad ee Muqdisho ku yaala ee ay Shabaabku weeraraan, tan iyo dib u doorashadii Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo 13 bilood laga joogo.
19-kii bishii August ayay ahayd, markii dabley ka tirsan maleeshiyada Shabaabka ay weerareen Hotel Xayaat oo ku yaala nawaaxiga Isgoyska KM4, halka 27-kii bishii November ay weerar aad loo soo abaabulay ku galeen Hotel Villa Rays oo ku yaala xeendaabka Villa Somalia, oo amnigeedu si weyn loo ilaaliyo.
Weerarkan ugu dambeeyay ee xalay ka dhacay Magaalada Muqdisho ayaa argagax ku abuuray dadweyne fara-badan oo waqti nasiino ah ku qaadanayay Xeebta Liido, waxaana uu imanayaa xilli ay Jimce ahayd, dadkuna ay ka nasanayeen maalmaha shaqada.
Ma cadda khasaaraha nafeed ee weerarkaasi uu gaystay, Saraakiisha Ciidamada Dowladda ayaase la filayaa in saacadaha soo socda ay ka hadlaan.


