Ciidamada Dowladda Federaalka oo dagaal ku galay Magaalada Baydhabo

Ciidanka Xoogga Dalka oo garabsanaya ciidamo dadka deegaanka ah oo la abaabulay ayaa la wareegay inta badan Magaalada Baydhabo, ka dib iska horimaad xoogan oo ka dhacay kontoroolka bari ee magaaladaasi.

Ciidamada ayaa iska caabin xoog badan kala kulmay Ciidanka Daraawiishta Koonfur Galbeed ee fariisimaha ku lahaa deegaanka Burjeed, oo ah mid ka mid ah goobaha laga ilaaliyo amniga Baydhabo.

Wararka ayaa sheegaya in Ciidamada Militariga ay duqaymo ku garaaceen aagaggii ay difaaca kaga jireen Ciidanka Daraawiishta, taasna ay keentay in dagaalka uu ku soo fido meelo ka mid ah xaafadaha Suuqa Xoolaha, Cadaadda iyo Berdaale. Berdaale waa xaafadda ugu weyn ee bariga Baydhabo, waxayna magaca wadaagaan Degmada Berdaale ee Gobolka Baay.

Wararka ayaa intaasi ku daraya in dagaalka uu gaystay khasaare dhimasho iyo dhaawacba isugu jira, iyadoo ay jiraan ku dhawaad dhaawacyada 50 qof oo la kala geeyay isbitaalada magaalada.

Wariyeyaasha ka hawlgala magaalada ayaa soo sheegaya in inta badan dhaawacyada la seexiyay Isbitaal Goboleedka Baay ee Baydhabo.

Gaadiidka Ciidanka Xoogga Dalka, oo ay ku jiraan kuwa gaashaaman ee Kumaandooska Gorgor oo gudaha u soo galay magaalada ayaa la arkayay, iyadoo ay dadka ku soo dhaweynayaan bartamaha magaalada.

Ciidamada ayaa waxay gacanta ku hayaan inta badan magaalada, waxayna illaa iyo hadda la wareegeen Xarunta Taliska Qaybta 60aad ee Ciidanka Xoogga Dalka iyo Saldhigyada Booliska. Ciidamada ayaan weli gaarin Xarunta Madaxtooyada Koonfur Galbeed iyo Garoonka Diyaaradaha Shaati-gaduud.

Ciidamadan oo ay la socdaan masuuliyiin ka soo jeeda deegaanada Koonfur Galbeed, isla-markaana xilal ka haya Xukuumadda Federaalka ayaa Baydhabo u yimid, sidii loola wareegi lahaa Madaxtooyada Baydhabo, oo ah goobta uu degan yahay Madaxweyne Cabdicasiis Xasan Maxamed (Laftagareen).