Ciidamada Dowladda iyo kuwa Jubbaland oo qarka u saaran dagaal
Khilaafka siyaasadeed ee Dowladda Federaalka iyo Dowlad Goboleedka Jubbaland ayaa laga cabsi qabaa in uu gacan ka hadal isu bedelo, ka dib markii Dowladda Federaalka ay Isniintii iyo Talaadadan ay ciidamo u daabushay deegaanka Raaskambooni ee Gobolka Jubbada Hoose.
Saraakiisha Jubbaland ayaa iyana ciidamo doomo ku gaynaya duleedyada deegaankaasi, si looga hortago dareen laga qabo in Ciidamada Dowladdu ay duulaan ku yihiin Magaalada Kismaayo iyo dhulka kale ee Jubbaland ka maamusho gobolkaasi. Ciidamadan oo u badan Daraawiishta Jubbaland ayaa illaa xalay doomo looga qaadayay Dekedda Kismaayo.
Taliska Ciidanka Xoogga Dalka ayaa shalay Raaskambooni ka dejiyay cutubyo ka tirsan Ciidanka Kumaandooska Gorgor ee Xoogga Dalka, halka maantana ay geeyeen askar kale oo ka tirsan Booliska Sida Gaarka ah u tababaran ee Haramcad. Ciidamadan ayaa diyaarado lagaga qaaday Garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde ee Magaalada Muqdisho.
Ciidamadii maanta halkaasi la geeyay ayaa waxaa horkacayay Taliyaha Xoogaga Haramcad, Gaashaanle Cabdixamiid Cabdullaahi Fanax, halka kuwii shalayna uu hoggaaminayay Taliyaha Guutada 18aad ee Kumaandooska Gorgor, G/dhexe Xasan Aadan Maxamed (Xasan Ciraaqi).
Dowladda Federaalka ayaa sheegtay in ciidamada halkaasi loo geeyay, sidii ay ula wareegi lahaayeen saldhigyada ay ka baxayaan Militariga Kenya ee qaybta ka ah Ciidanka Nabad Ilaalinta Midowga Afrika ee Hawlgalka ATMIS, oo waqtigoodu uu ku egyahay 31-ka bisha soo socoto ee December.
Madaxweynaha Jubbaland, Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) ayaa Isniintii Dowladda Federaalka ku eedeeyay inay qalqal amni ka abuureyso gobolka iyo inay dagaalkii Al Shabaab u soo weecisay dhinaca maamulkiisa, ka dib markii dib loogu soo doortay jegada madaxtinimada ee Jubbaland.
Axmed Madoobe ayaa waxaa shalay markii saddexaad loo doortay Madaxweynaha Jubbaland, ka gadaal doorasho uu maamulkaasi ku qabsaday Magaalada Kismaayo, isla-markaana ay si weyn uga hortimid Dowladda Federaalka.
Golaha Wasiirada Somaliya oo xalay kulan degdeg ah oo uu shir guddoominayay Raysal Wasaare Xamse Cabdi Barre ku yeeshay Magaalada Muqdisho ayaa sharci darro ku tilmaamay doorashadaasi, iyagoona Axmed Madoobe ugu yeeray hoggaamiyihii hore ee Jubbaland.
Golaha Wasiirada oo soo saaray qaraar saddex qodob ka koobnaa ayaa Garyaqaanka Guud ee Qaranka ka dalbaday in uu si degdeg ah Maxkamadda Sare ee Dalka u horkeeno dacwad ka dhan ah doorashada sharci darrada ah ee Axmed Madoobe lagu eedeeyay in uu ku kacay.
Raaskambooni oo qiyaastii 275km dhinaca koonfureed kaga beegan Magaalada Kismaayo ayaa gudaheeda iyo bannaanadeeda waxaa ka socdo dhaqdhaqaaqyo iska soo horjeedo, waxaana laga cabsi qabaa in labada ciidan ay halkaasi ku wada dagaalamaan. Waxaa xusid mudan in Dowladda Federaalka ay waddo qorshe ay ku kala furfureyso Saraakiisha & Ciidamada Jubbaland, si loogu qanciyo in ay qaadacaan dib u doorashadii Axmed Madoobe.
Raaskambooni oo hoostagta Degmada Badhaadhe ayaa waxaa Ciidamada Dowladda kaga biiray ciidamo ka tirsan kuwa Jubbaland.
Ciidamadii horey Jubbaland uga joogay deegaankaasi ayaa qaybtood ku biiray ciidamada, halka qaar kalena ay dibadda uga baxeen deegaankaasi, isla-markaana ay haatan isku meel joogaan ciidamadii qaar ee doomaha ka soo raacay Dekedda Kismaayo.
Saraakiisha Ciidamada Dowladda ayaa galabta deegaankaasi ku soo bandhigay askar ay sheegeen in Kismaayo looga keenay, sidii ay ula dagaalami lahaayeen Ciidamada Qaranka. Ma jirto cid si madaxbannaan u xaqiijin karta in askartaasi ay ka mid yihiin kuwii Kismaayo ka yimid.
Villa Somalia iyo Madaxtooyada Jubbaland ayaa waxaa gaaraya baaqyo xoog leh, oo loogu jeedinayo in laga fogaado isku dhac ciidan, khilaafkana lagu dhameeyo miiska wada hadalka. Dhinacyada ayaadse mooddaa in ay hoos u dhigayaan fursadda lagu wada hadli karo.
Haddii dagaalkan uu ka qarxo Raaskambooni waxa uu bilow u noqon karaa furin labaad oo dagaal oo laga furo Gobolada Koonfureed. Furinta koowaad ayaana ah dagaalka lagu la jiro Al Shabaab.
Dagaalkan ayaa wiiqi kara qorshihii Villa Somalia ay muddada dheer riixeysay ee ku saabsanaa, sidii ku dhawaad 20 sano ka dib dalka laga ciribtiri lahaa Shabaabka.
Shabaabka ayaa muddo dheer loo arkayay caqabadda keliya ee horgudban amniga iyo xasilloonida dalka, waana Shabaabka hubeyan ee ka biyo diidan jiritaanka Dowladda Federaalka, Dowlad Goboleedyada iyo joogitaanka Ciidamada Nabad Ilaalinta Midowga Afrika ee dalka.