Ciidamada Dowladda iyo kuwa Siyaasiyiinta Mucaaradka oo isku rasaaseeyay Muqdisho
Ciidanka Booliska Gobolka Banaadir iyo Ilaalada Siyaasiyiinta Mucaaradka ayay galabta is rasaaseyn ku dhex martay Degmada Warta Nabadda ee Gobolka Banaadir.
Ciidanka Booliska ayaa rasaasta bilaabay, iyadoo Shariif Sheekh Axmed, Madaxweynihii hore ee dalka uu dadka kula hadlayay Degmada Warta Nabadda.
Sarkaal Booliska ka tirsan ayaa Universaltv u sheegay in ciidamadu ay ka hortagayeen Siyaasiyiinta Mucaaradka oo doonayay in ay gudaha u galaan Saldhigga Booliska Warta Nabadda.
Koox Wariyeyaal ah oo la socday Shariif Sheekh Axmed, Maxamed Xuseen Rooble, Xasan Cali Khayre, Cabdi Faarax Shirdoon (Saacid), Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame iyo xubno kale ayaa sheegay in ay ku kadsoomeen rasaas xoogan oo kaga soo dhaceysa dhinaca kale, xilli dad badan oo shacab ah ay goobta buuxeen.
Waxaa la arkayay Ciidanka Ilaalada Mucaaradka oo rasaas kaga jawaabaya rasaastii ku socotay iyo Shariif Sheekh Axmed oo ciidamada ku amraya inaysan wax rasaas ahi furin.
Hase yeeshee taasi kuma filneyn in ciidankii la socday oo aad u hubeysnaa ay joojiyaan falcelintii ay sameynayeen.
Rasaas xoog leh ayay dadku ka maqlayeen goobtii ay israsaaseyntu ka socotay, oo ah afaafka hore ee Saldhigga Warta Nabadda, waxaana jira dad wax ku noqday iyo gaari ay ku buufsan astaanta booliska oo burbur uu soo gaaray.
Siyaasiyiinta Mucaaradka ee Dowladda Federaalka ayaa goobta ka tagey, ka hor inta aysan gaarin gaadiid fara-badan oo kuwa dagaalka oo Ciidamada Qalabka Sida ay leeyihiin. Mucaaradka ayaa Saldhigga Warta Nabadda u tegay, si ay uga soo sii daayaan nin oday ah oo lagu magacaabo Sheekh Axmed Siicow Maxamed, kaas oo maanta ay ciidamadu jirdileen, isla-markaana ay ka soo xireen xaafadda Siinaay, laakiin mucaaradka ayaa halkaasi gaaray, goor laga sii daayay odayga.
Dowladda Federaalka oo war soo saartay ayaa mucaaradka ku eedeysay inay gaysteen falal liddi ku ah amniga Magaalada Muqdisho, isla-markaana ay doonayeen inay xoog kula wareegaan Saldhigga Degmada Warta Nabadda.
"Dowladda Somaliya waxay ka xun tahay in siyaasiyiin ku haminaya qabashada talada dalka ay isku dayaan inay daadiyaan dhiigga shacabka iyo kan Ciidamada Qalabka Sida ee ku howlan difaaca dalka iyo dagaalka looga soo horjeedo argagixisada." Ayaa lagu yiri warka oo intaasi ku daray "Dowladda Somaliya waxay caddeynaysaa in wixii maanta ka dhacay Saldhigga Degmada Warta Nabadda ay masuuliyaddiisa qaadayaan xubnihii sida bareerka ah ugu xadgudbay jiritaanka dowladnimada, amniga, kala dambeynta iyo shuruucda dalka."
Wasiirka Gaashaandhiga, Axmed Macalin Fiqi ayaa isna qoraal uu bartiisa Facebook soo dhigay ku sheegay "Waa wax lagu xumaado in kooxaha mucaaradku ay weeraraan Saldhigga Booliska, burburiyaan gaadiidkii ciidanka, dil iyo dhaawac u gaystaan Ciidamada Booliska. Waa in maxkamad loo soo saaraa kooxaha mukharibiinta ah ee sida kooxaha argagixisada u beegsanaya Ciidamada Qaranka, hay’adaha caddaaladuna ay waajibkooda ka gutaan."
Shariif Sheekh Axmed, Gudoomiyaha Madasha Samatabixinta Soomaaliyeed ayaa lagu wadaa in goor dhow uu Warbaahinta la hadlo.
Dhacdadan ayaa dabka ku sii shideysa khilaafka siyaasadeed ee muddooyinkanba u dhaxeeyay labada dhinac.