Ciidamada Dowladda oo dib uga baxay degmooyin iyo deegaano laga saaray Shabaab

Wararka ka imaanaya Gobolka Galgaduud ayaa sheegaya in maleeshiyada Al Shabaab ay dib ula wareegeen gacan ku haynta Degmooyinka Galcad iyo Ceeldheer ee gobolkaasi.
Wararka ayaa sheegaya in maleeshiyadu ay sidoo kale dib ula wareegeen deegaanada Wabxo, Budbud iyo Masagawaa.
Tani ayaa ka dambeysay, ka dib markii Ciidanka Xoogga Dalka iyo xoogaga deegaanka ay Isniintii dib u soo banneeyeen goobahaasi, oo muddo kala dambeysay ay kala wareegeen Shabaabka.
Ma cadda ujeedada ka dambeysa ka bixitaanka ciidamada ee degmooyinka iyo deegaanada ka tirsan Gobolka Galgaduud ee Galmudug.
Taliyaha Guutada Cali Bin Abii Daalib ee Xoogga Dalka, Gaashaanle Ismaaciil Cabdimaalik Maalin ayaa mar sii horreysay sheegay in istiraatiijiyad darteed goobaha qaarkood dib looga guran karo.
Tani waxay imaanaysaa, xilli Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud uu habeen hore sheegay in ciidamadu ay gaari doonaan dhul kasta oo Shabaabku ku sugan yihiin.
Dad badani ayay wax lala yaabo ku noqotay, bedelkii ciidamada horu-socod laga sugayay in dib u gurasho sameeyaan.


