Ciidamada Dowladda oo hawlgal ka wada xaafad ku taala waqooyiga Muqdisho

Ciidamada Dowladda Federaalka ayaa maanta gudaha ugu jira xaafadda Goley ee Degmada Cabdicasiis ee Gobolka Banaadir, halkaas oo laga maqlayo rasaas ay askartu furayaan.

Wararka ayaa sheegaya in ciidamadu ay xaafaddaasi ka wadaan hawlgal ay qaar ka mid ah dadka deegaanka uga saarayaan guryaha ay degan yihiin.

Goobjoogeyaal ayaa sheegay in dadka deegaanka ay ka horyimaadeen in guryahooda laga saaro, taasna ay keentay in ciidamadu ay xoog u adeegsadaan.

Raysal Wasaarihii hore ee dalka, Xasan Cali Khayre oo ka hadlay hawlgalka xaafadda Goley ee waqooyiga Muqdisho ayaa wax lala yaabo ku tilmaamay in Dowladda Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ay dib u soo celiso dhul boobka, iyadoo horey u sheegtay in la joojiyay.

"Waxaa amakaag iyo ayaan darro ah in taliska waqtigiisu dhamaaday oo horey u sheegay in uu joojiyay dhul boobka uu maanta ku howlan yahay boobka dhulka danta guud, barakicinta danyarta iyo xasuuqa shacabka, taas oo tusaale nool u ah sida ay isu burinayaan hadalka iyo ficilka taliska Madaxweyne hore Xasan Sheekh oo caadeystay gaboodfalo iyo dambiyo ka dhan ah xuquuqda aadanaha oo wiiqaya kalsoonida shacabka, horumarka dalka iyo dowladnimada Soomaaliya." Ayuu yiri Khayre oo warkan ku sheegay bartiisa xiriirka bulshada.

Sidoo kale Madaxweynihii hore ee Somaliya, Shariif Sheekh Axmed oo isna ka faceliyay ayaa yiri "Waxaa ayaan darro weyn ah in ciidankii amniga ee loogu talagalay illaalinta nafta iyo maalka bulshada, ay hadda si arxan la'aan ah u beegsanayaan dadka rayidka ah iyagoo u isticmaalaya rasaas nool nool, gaar ahaan xaafadda Goley ee Degmada Cabdicasiis. Amarada falalkan guracan oo ay fulinayaan qayb ka mid ah ciidanka ammaanka, waxay si toos ah uga imaanayaan Madaxweynihii hore Xasan Sheekh Maxamuud, waxaana bulshadda caasimadda looga baahan yahay in si wadajir ah looga hortago ficiladan ka baxsan dowladnimadda iyo illaalinta xuquuqda muwaadiniinta."

Shariif Sheekh Axmed oo digniin u diray Saraakisiha Ciidamada ayaa bartiisa Facebook ku qoray "Ugu dambayn, waxaan Saraakiisha Ciidanka uga digayaa sii socoshada gabood-falada ka dhanka ah bulshada rayidka ah ee iyagu si nabad ah codkooda ugu muujinaya dareenkooda ku aadan tacadiyadda sii kordhaya, sida boobka iyo barakicinta khasabka ah."

Dowladda Hoose ee Xamar iyo Taliska Qaybta Booliska Gobolka Banaadir ayaan weli ka hadlin hawlgalka ay ciidamada ka wadaan waqooyiga Muqdisho.