Ciidamada Dowladda oo isku furaya waddada Galcad, Budbud iyo Masagawaa

Ciidanka Xoogga Dalka ayaa wada hawlgal ay isugu furayaan waddada xiriirisa Degmada Galcad iyo deegaanada Budbud & Masagawaa ee Gobolka Galgaduud.

Cutubyo ka tirsan Ciidanka Kumaandooska Gorgor oo ka dhaqaaqay Degmada Galcad iyo ciidan kale oo ka soo dhaqaaqay deegaanka Masagawaa ayaa la sheegaya in laba jiho kaga sii siqayaan deegaanka Budbud.

Ciidamada ayaa la sheegay in inta u dhaxeyso waddada saddex xagalka ay ka sifeynayaan maleeshiyada Al Shabaab, iyadoo kuwii ka soo baxayna Galcad ay ku sugan yihiin afaafka hore ee Budbud.

Budbud waa deegaan istiraatiiji ah oo isku xirta Gobolada Galgaduud, Shabellaha Dhexe iyo Hiiraan, waana deegaan ku dhow deegaanka Wabxo, oo ah marinka ugu muhiimsan ee ay ciidamada u marayaan la wareegista Magaalada Ceelbuur.

Ilo wareedyo ayaa sheegaya in ciidan kale oo ka soo ruqaansaday deegaanka Hilowle Gaab ee Gobolka Shabellaha Dhexe ay dhulka hawdka Budbud ka wadaan hawlgal ay kaga sifeynayaan Shabaabka.

Ciidankii Kumaandooska Danab ee maalin ka hor la wareegay deegaanka Cowsweyne oo hoostagga Degmada Galhareeri ayaa la filayaa in raacooda hore ay gaaraan deegaanka Bargaan oo hoostagga degmadaasi, iyagoo isku xirmi doona ciidamada kale ee ka soo socda dhanka Degmada Ceeldheer ee ku wajahan deegaanka Shaway.

Ciidamadan ayay wararku sheegayaan in halkaasi ay uga dhaqaaqi doonaan deegaanka Jacar, oo dhanka galbeed kaga toosan Magaalada Ceelbuur, waxayna tani imaanaysaa, iyadoo ciidamadu ay jihooyinka waqooyi, bari iyo koonfureed kaga siqayaan magaaladaasi.

Taliska Ciidanka Xoogga Dalka ayaa waxaa u degsan istiraatiijiyad furimo badan dagaal lagaga furayo Al Shabaab. 

Dowladda Federaalka ayaa muruqeeda iyo maalkeedaba isugu gaysay, sidii Shabaab looga saari lahaa deegaanada Galmudug.