Ciidamada Dowladda oo laba jiho kaga sii siqaya Magaalada Baydhabo

Xaalad cabsi ah ayaa la soo sheegaya in ay ka jirto Magaalada Baydhabo, xilli Ciidamada Dowladda Federaalka ay laba jiho ka kulaalayaan magaaladaasi.

Saraakiisha Ciidanka Xoogga Dalka ayaa laga soo xigtay in ciidamadu ay ku sii dhawaanayaan labada kontorool ee laga galo magaaladaasi.

Kontoroolada bariga iyo galbeedka Baydhabo ayaa waxaa hadda ku sugan ciidamo taabacsan Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed, kuwaas oo aan la aqoon waxa uu masiirkoodu ku dambayn doono, haddii ay dagaal kala hortaggayaan ciidamada ku soo socdo magaalada iyo haddii ay dhinac ka noqon lahaayeenba.

Ciidamada Dowladda Federaalka ee ku wajahan Baydhabo ayaa qaybtooda hore waxay ka soo ruqaansadeen Degmada Buurhakaba, halka qaybta kalena ay ka soo socdaan dhinaca Degmada Berdaale ee Gobolka Baay.

Wararka ayaa sheegaya in Dowladda Federaalka ay si lama filaan ah ula wareegtay Maamulka Degmada Berdaale, ka dib markii maamulkii halkaasi ka jiray uu sheegay inay si buuxda u hoos tagayaan Dowladda Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

Gudoomiyaha Degmada Berdaale, Maxamed Isaaq Xasan (Caracase) oo shir jaraa'id ku qabtay Garoonka Diyaaradaha Berdaale ayaa sheegay in ay maanta go'aansadeen inay si toos ah u hoos taggaan Dowladda Federaalka.

Ilo wareedyo ayaa sheegaya in diyaarad sidday saraakiil iyo saanad ciidan ay maanta ka degtay Garoonka Diyaaradaha Berdaale, isla-markaana ciidamo garoonkaasi lagu uruuriyay ay isku soo fidiyeen xaafadaha magaalada, ka hor inta aysan qaar ka mid ahi cagta saarin dhinaca waddada aadda Baydhabo.

Dhaqdhaqaaqyada ciidan ee ka soo kordhay Gobolka Baay ayaa xiisad ka hurisay Baydhabo, taas oo dadka deegaanka ku riixday in ay ka barakacaan magaalada.

Dadka reer Baydhabo ee ka barakacaya guryahooda ayaa ka baxsanaya suurtagalnimada in lagu dul dagaalami karo.

Khilaafka siyaasadeed ee u dhaxeeya Dowladda Federaalka iyo Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed ayaa qarka u saaran gacan ka hadal.