Ciidamada Dowladda oo nin darawal ahaa ku dilay Muqdisho

Ciidamada Dowladda ayaa maanta nin darawal ahaa ku dilay Isgoyska Tarabuunka ee Degmada Hodan ee Gobolka Banaadir.
Ninkan ayaa wade ka ahaa mootada nooca saddex lugaaleyda ah ee loo adeegsado rarka xamuulka, waana dhugdhugley wax yar uun kaga duwan mooto bajaajta ay rakaabku raacaan.
Ciidamada Dowladda oo la socday gaari Cabdi Bile ahaa ayaa la sheegay in ay la kulmeen waddada oo uu ciriiri ka jiray, ka dibna ay bilaabeen inay furaan rasaas la sheegay in waddada ku furanayeen.
Wararka ayaa sheegaya in rasaastaasi ay haleeshay darawalka mootada, kaas oo xilligaasi marayay waddada.
Goobjoogeyaal ayaa sheegay in ciidamada ay goobta isaga taggeen, iyagoo aan wax gurmad ahi u fidin dhibanaha, oo daqiiqado ka dib goobtaasi ugu geeriyooday dhaawicii ka soo gaaray rasaastii ay furayn.
Wararka ayaa sheegaya in Ciidanka Booliska ee ka hawlgala degmadaasi oo gaaray goobtaas ay ka qaadeen meydka marxuumka, isla-markaana ay geeyeen Xarunta Hay'adda Dembi Baarista ee CID-da.
Muqdisho ayaa waxaa ku badan dilalka ay askarta u gaystaan wadayaasha gaadiidka, gaar ahaan mooto bajaajta, taasi bedelkeeda waxaa aad u yar askarta loo maxkamadeeyo amaba loo ciqaabo falalka ay ku dhibaateeyaan darawalada mooto bajaajta.


