Ciidamada Israel oo maanta boqolaal qof ku laayay Marinka Gaza

Waxaa sii kordhaya dhacdooyinka naxdinta leh ee ay Ciidamada Israel ka gaysanayaan Marinka Gaza, si aan kala sooc lahayna ay ugu leynayaan dadka rayidka ah.

Ciidamada Israel oo maanta weerar dhinaca cirka ah ka gaystay Dugsiga Al-Fakhoora oo ku yaala xerada qaxootiga Jabalia ayaa waxaa ku dhintay ugu yaraan 50 qof oo rayid ah.

Dugsiga Al-Fakhoora ayaa waxaa maamusha Hay’adda Qaramada Midoobay U Qaabilsan Gargaarka & Arrimaha Qaxootiga Falastiiniyiinta ee UNRWA.

Wax yar ka dib Ciidamada Israel ayaa la sheegay inay garaaceen Dugsiga Tal Al-Zaatar, oo sidoo kale ku yaala waqooyiga Gaza, halkaasna ay ku dileen dad kaloo fara-badan.

Wariyeyaasha ayaa soo sheegaya in illaa laba boqol oo qof ay ku dhinteen labadaasi weerar, boqolaal kalena ay ku dhaawacmeen, kuwaa oo dhammaantood ay dadka rayid ah yihiin.

Sidoo kale 28 qof oo u badan carruur ayaa lagu dilay laba weerar oo Israel ka fulisay dhismayaal ku yaala deegaanka Khan Yunis ee jiidda koonfureed ee Gaza. Tobaneeyo qof ayaa sidoo kale ku dhaawacmay weeraradaasi oo diyaaradaha Israel ay gaysteen.

Tamara Alrifai oo ka tirsan Hay'adda UNRWA ayaa walaac ka muujisay gabood-falada ay Israel ka waddo Marinka Gaza. 

"Waxa aan aragno waa mid kale oo ka mid ah dhacdooyinkan naxdinta leh. Dadka rayidka ah ee magangelyada u raadsaday dhismayaasha Qaramada Midoobey oo ay ahayd in la ilaaliyo ayaa bixinaya qiimaha ugu badan." Ayay tiri Tamara Alrifai.

Dowladda Qatar ayaa si kulul u cambaareysay duqaymaha dib u soo cusboonaaday ee Ciidamada Israel ka gaysanayaan goobaha waxbarashada.

Wasaaradda Arrimaha Dibadda Qatar ayaa codsatay baaritaan degdeg oo caalami ah iyo baareyaal madaxbannaan, si ay u baaraan beegsiga Israel ee dugsiyada iyo isbitaalada Gaza.

Taliska Militariga Israel ayaan weli ka hadlin duqaymahan ugu dambeeyay ee dadka badani ku dhinteen ay ka gaysteen Gaza.

Xilli Ciidamada Israel ay hawlgal dhinaca dhulka ah ka wadaan Marinka Gaza, haddana dadka rayidka ah ee gabaadka ka dhiganaya kaabeyaasha rayidka iyo iskuulada ay Qaramada Midoobey maamusho ayaa lagu khasbayaa in ay ka baxaan goobaha ay gabaadka ka dhiganayaan.

Tirada dadka reer Gaza ee ku dhintay duqaymaha Israel ayaa hadda kor u dhaaftay 12,000 oo qof, kuwaa oo 5,000 oo ka mid ah ay carruur yihiin.