Ciidamada ku sugan Ceelbuur oo ka feejigan weerar kaga yimaada Shabaab
Ciidanka Xoogga Dalka iyo xoogaga deegaanka ee Jimcihii la wareegay gacan ku haynta Magaalada Ceelbuur ayaa u muuqda kuwo adkeeyay amniga magaaladaasi.
Ciidamada ayaa tan iyo Sabtidii xaafadaha magaalada ka sameeynayay hawlgalo amni xaqiijin ah, iyagoona sidoo kale waddooyinka ka sameeyay hawlgal miino baaris ah.
Wararka ayaa sheegaya in ciidamadu ay fariisimo ka sameysteen darafyada magaalada iyo gudaheedaba, waana barraha ay ugu talagaleen inay magaalada ka difaacaan, haddii la soo weeraro.
Taliska Ciidanka Xoogga Dalka ayaa filaya in maalmaha soo socda ay magaalada gaaraan ciidamadii ka soo baxay Magaalooyinka Dhuusamareeb iyo Guriceel ee jihooyinka bari iyo koonfureed kaga sii siqayay magaaladaasi.
Ka dib weerarkii maleeshiyada Shabaabka ay Sabtidii ku qaadeen deegaanka Cowsweyne ee Gobolka Galgaduud, Gudoomiyaha Degmada Ceelbuur, Nuur Xasan Guutaale ayaa sheegaya in ay ka feejigan yihiin weerar ballaaran oo maleeshiyada ka gaysato magaalada.
"Annaga awooddii aan awalba cadowga uga saarnay magaalada ayaan ku joognaa, waxa noo dhiman waa inaan hadda ka dib hawlgal ka sameyno meelaha ay jiraan." Ayuu yiri Gudoomiyaha.
Gudoomiyaha ayaa yiri "Weli maynaan bilaabin hawlgalada aan ku baacsanayno, weli waxaan ku jirnaa istiraatiijiyadihii kale aan magaalada ku xasillin lahayn, shacabkuna ugu soo laaban lahaa."
Waxa uu sheegay inaanay ka baqdin qabin weerar la mid ah midkii Cowsweyne, balse ay mar walba Shabaab ka filayaan inay soo weeraraan, isla-markaana ay u diyaarsan yihiin, sidii ay isaga caabin lahaayeen.
"Cabsi naguma jirto, laakiin inay na soo weerarayaan, waan ka filanaynaa, diyaaraana u nahay, annaguna inaan weerarno diyaaraa u nahay. Labadayaduba waa qoladii la hormarta weerarka, waxaana rajeynayaa inaan annaga la hormari doono." Ayuu yiri Gudoomiye Guutaale.
Ciidanka Xoogga Dalka iyo kuwa deegaanka ayaa isku dayaya in ay deegaanada hoostagga magaalada ka sifeeyaan xubnaha Shabaabka ee dhulka hawdka ku jira.
Wararka ayaa sheegaya in ciidamadu ay maleeshiyada Shabaabka ka sifeeyeen waddada Ceelbuur iyo Wabxo, haddana ay u diyaargaroobayaan qorshaha xigga ee maleeshiyadaasi looga fogaanayo dhanka galbeed, oo ah jihadii ay magaalada uga baxeen.
Shabaabka oo muddo dheer gacanta ku hayay Magaalada Ceelbuur ayaa haatan ku lahaa saldhigooda ugu weyn ee Gobolada Dhexe.












