Ciidamada ku sugan Degmada Xarardheere oo heegan la geliyay, iyadoo ay cabsi jirto

Ciidamada ku sugan Degmada Xarardheere ee Gobolka Mudug ayaa heegan la geliyay, sababo ku aaddan cabsi laga qabo inay maleeshiyada Al Shabaab soo weerari karto degmadaasi.

Shabaabka ayaa toddobaadkii hore maleeshiyaad cusub keenay deegaanada hoostaga Degmada Xarardheere, iyadoona maalmihii u dambeeyay ay kordhiyeen dhaqdhaqaaqyadooda deegaanadaasi.

Ciidanka Xoogga Dalka, kuwa Galmudug iyo dadka deegaanka ee horey loogu abaabulay la dagaalanka kooxaha argagixisada ayaa la geliyay heegan sare, si ay uga hortaggaan weerar ay maleeshiyadu ku soo qaaddo degmadaasi.

Wararka ayaa sheegaya in cutubyo ka tirsan Kumaandooska Gorgor iyo Ciidanka Guutada 24aad, Qaybta 21aad ee Ciidanka Xoogga Dalka ay fariisimo cusub ka sameysteen afaafka hore ee magaalada.

Dadka deegaanka ayaa soo sheegaya inay sii xoogeysanayaan dhaqdhaqaaqyada ciidan ee iska soo horjeeda iyo cabsida laga qabo in Shabaabku ay weerar ballaaran ku soo qaadaan Xarardheere.

Xarardheere oo ah magaalo istiraatiiji ah oo ku taala xeebta Gobolka Mudug ayaa wajihi karta go'doomin dhanka waddooyinka ah, marka aad eegto in Shabaabka lagu arkay waddooyinka ku xira Degmooyinka Hobyo iyo Ceeldheer ee Gobolada Mudug iyo Galgaduud.

Shabaabka ayaa waxaa suurtagal ah inay isku dayayaan in ay dib u qabsadaan magaalo xeebeedka Xarardheere, taas oo ciidamadu ay ka saareen 16-kii bishii January ee sanadkii 2023.

Shabaabka ayaa bishii September ee sanadkii hore ee 2025 sidaan oo kale culeys u soo saaray Xarardheere, inkastoo aanay wax weerar ah ku qaadin, iyagoona bartamihii bishaasi weerar ay qaraxyo ku bilowdeen ku ekeeyay Degmada Ceeldheer.

Xarardheere ayaa waxay in ka badan toban sano ay Shabaabka u ahayd xaruntooda ugu weyn ee Gobolada Dhexe iyo meesha ay dhaqaalaha ugu badan ka helaan deegaanada Galmudug.

Xarardheere ayaa sidoo kale ahayd degmada qura ee ay Shabaabku ka maamulaan Gobolka Mudug.