Ciidamada oo dagaal dhib badan kula jira Shabaabka difaacanaya Jamaame
Ciidanka Xoogga Dalka iyo kuwa Jubbaland ayaa sii wada cadaadiska ay ku hayaan maleeshiyada Al Shabaab ee difaacaneysa gacan ku haynta Degmada Jamaame ee Gobolka Jubbada Hoose.
Ciidamada ayaa si garbo ah hawlgalka uga wada waddada laamiga ee tagta Jamaame iyo jiinka Webiga Jubba.
Ciidamada ayaa iska caabin xoog badan kala kulmaya Shabaabka, oo isku qarinaya dhulka hawdka ee ku yaala bannaanada Jamaame.
Inkasta oo ciidamada toddobaadkii labaad ay ku foogan yihiin, sidii ay ula wareegi lahaayeen gacan ku haynta magaalada, haddana waxaad arki kartaa in ay caqabad kala kulmayaan, sidii ay ku gaari lahaayeen Buundada Araare oo qiyaastii 7km u jirto magaalada.
Araare oo lala wareego waxay sahli kartaa in ciidamadu ay markii ugu horreysay gaaraan Jamaame, taas oo Shabaabku ay ka arriminayeen, tan iyo sanadkii 2008.
Saraakiisha Taliska Qaybta 43aad ee Ciidanka Xoogga Dalka ayaa kuu sheegaya in ciidamadu aysan weli gaarin Jamaame, balse ay ku dhow yihiin.
Warbaahinta ayaa fahamsan in ciidamada qaarkood ay ka gudbeen dhufeysyadii ay Al Shabaab ku lahayd aagagga Farwaaqo, Siin-galeyr, Malaaley iyo Muuse Xaaji, isla-markaana ay ka feejigan yihiin in dhabar jebin lagu soo sameeyo.
Dhulkan ay ciidamadu kula dagaalamayaan Al Shabaab ayaa ah dhul ay adag tahay in lagu dagaalamo, waana dhul cufan oo aan si sahlan gudaha loogu geli karin, balse cidda gudaha ugu sugan ay u fududahay in ay bannaanka uga soo baxdo.
Shabaabka ayaa si kooxo kooxo ah ugu daadsan deegaanada dhaca webiga jiinkiisa ee hoostaga Jamaame iyo weliba hareeraha waddada laamiga ee gasha degmadaasi, waana dhul geedo badan leh oo aan la arki karin cidda ku dhex jirta, waana sababta ay ciidamadu uga feejigan yihiin in loo daba maro meelihii ay lugta ku soo mareen.
Diyaarado loo maleynayo in laga leeyahay dalka Emirate-ka Carabta ayaa saacadihii la soo dhaafay garaacay dhufeysyada ay Shabaabku ku leeyihiin aagagga Soomarey iyo Koban. Wararka la helayo ayaa sheegaya in Dowladda Emirate-ka Carabta ay markii ugu horreysay Jubbaland ka gacan siineyso hawlgalka hawada, si la mid ah Puntland oo sanadkan ay ka caawineyso duqaymaha lagu beegsanayo maleeshiyada Daacish ee ku sugan qaybo ka mid ah Buuraleyda Calmiskaad ee Gobolka Bari.
Maleeshiyaad fara-badan oo kuwa Al Shabaab ah ayaa Arbacadii iyo Khamiistii soo gaaray aagagga dagaalka, ka dib markii ay ka yimaadeen dhinaca Degmada Jilib ee Gobolka Jubbada Dhexe.
Shabaabka ayuu ujeedkoodu yahay in ay fashiliyaan ciidamada u soo qalabka qaatay in maleeshiyada laga kiciyo Jamaame oo ay ku xidideysteen.
Gulufkan cusub ee la doonayo in lagu xoreeyo Jamaame ayaa walaac amni ku abuuray dadka deegaanka, ka dib duqaymihii ay dad shacab ahi ku dhinteen ee toddobaadkii hore ka dhacay nawaaxiga Jamaame. Dadka ayaa maalmahaanba sameynayay barakac ay uga baxsanayaan dagaalka ku soo fidaya magaaladaasi.
Nabadoon Axmed Maxamed Barre (Macalin Barre) oo ka mid ah Odayaasha Dhaqanka ee Jamaame ayaa sheegay in magaaladu ay ay ka go'doonsan tahay dhinaca Kismaayo.
Nabadoon Macalin Barre ayaa Dowladda Federaalka ugu baaqay in la ilaaliyo nolosha dadka rayidka ah.
Ma cadda muddada uu hawlgalkan socon doono, waxaase uu noqonaya hawlgalkii ugu weynaa ee ebid ciidamada loogu jiheeyo dhanka Jamaame, si ay uga saaraan Shabaabka hubeysan.






