Ciidamada oo dagaal ku qabsaday deegaanka Labi Goley ee Gobolka Shabellaha Dhexe

Warar dheeraad ayaa ka soo baxaya weerar ay maanta Ciidanka Xoogga Dalka iyo kuwa Difaaca Shacabka ku qaadeen deegaanka Labi Goley ee Gobolka Shabellaha Dhexe, iyagoona kula dagaalamay maleeshiyada Al Shabaab.
Deegaankan ayaa 13km dhanka waqooyi uga beegan deegaanka Wargaadhi oo maanta uu ka dhacay dagaal faraha looga gubtay.
Ciidamada ayaa la sheegay in ay heleen xog ku saabsan in Shabaabka ay abaabul ka wadaan deegaanka Labi Goley, sidaana ay weerarka ugu qaadeen.
Wararka ayaa sheegaya in labada dhinac uu halkaasi ku dhex maray dagaal hubka noocyadiisa kala duwan la isku adeegsaday, isla-markaana ay ciidamadu u suurtagashay inay deegaankaasi ka riixaan maleeshiyadii dhawaan soo gashay.
Maleeshiyada ayaa la sheegaya in ay dib ugu laabatay deegaanka Masaajid Cali Gaduud, oo Shabaabku ay dagaal culus kula wareegeen 26-kii bishii March.
Saraakiisha Ciidamada ayaa laga soo xigtay in Shabaabka laga saaray Labi Goley ay qorsheynayeen weerar kale oo ay ku qaadeen deegaanka Wargaadhi, ka dib markii ay ku guuldareysteen in ay sii haystaan.
Shabaabka ayaa saakay weerar qaraxyo ku bilowday ku qaaday Wargaadhi oo 70km u jirta Degmada Cadale. Shabaabka oo gudaha u soo galay deegaankaasi ayaa saacado ka yar ka dib dibadda looga saaray.
Taliyaha Ciidanka Dhulka ee Xoogga Dalka, General Sahal Cabdullaahi Cumar ayaa sheegay in la xoreeyay Labi Goley, dagaalka ka dhacayna lagu dilay 20 nin oo Shabaabka ka tirsanaa.
Dowladda Federaalka ayaa goor sii horreysay oo maanta ah war ay soo saartay ku sheegtay in 40 xubnood oo Shabaab ahaa lagu dilay dagaaladii u dambeeyay ee Khamiistan ka dhacay Gobolka Shabellaha Dhexe, ha yeeshee khasaaraha ayaa la aaminsan yahay inuu intaasi ka badan yahay.
Shabaabka ayaa laga warqabaa in khasaare xoog leh ay kala kulmeen duqayn xagga cirka ah oo loo gaystay, intii ay dib uga guranayeen Wargaadhi.
Afhayeenka Wasaaradda Gaashaandhigga, Abuukar Macalin Maxamuud ayaa sheegay in dagaalka lagu dilay ajaaniib ka barbar dagaalameysay Al Shabaab, inkastoo aanu sheegin tiradooda iyo dalalka ay u dhasheen.
Afhayeenka Wasaaradda Gaashaandhigga ayaa sheegaya in ciidamada ay hadda ku sugan yihiin aagga deegaanka Towfiiq, oo ah deegaanka ay weerarka ka soo qaadeen Shabaabkii soo weeraray Wargaadhi. Towfiiq ayaa qiyaastii 8km jihada waqooyi galbeed uga beegan Wargaadhi.
Ciidanka Xoogga Dalka iyo Macawiisleyda ayaa dhaqdhaqaaq ka wada deegaanada ku dhow dhow dhulka xeebta ee gobolkaasi.