Ciidamada oo deegaan istiraatiiji ah kala wareegay Al Shabaab
Wararka ka imanaya Gobolka Jubbada Hoose ayaa sheegaya in maanta ay dagaalo ka dhaceen gobolkaasi, ka dib markii Ciidanka Xoogga Dalka iyo kuwa Daraawiishta Jubbaland ay dib uga bilaabeen hawlgalada lagu la dagaalamayo maleeshiyada Al Shabaab.
Ciidamada ayaa saakay bilaabay in ay isku fidiyaan waddada xiriirsa Magaalooyinka Kismaayo iyo Afmadow oo qiyaastii 120km isku jira, si looga saaro maleeshiyada Shabaabka ee degan, iyadoona la isku furayo waddada dheer ee isku xirto magaalooyinkaasi.
Ciidamada oo ka soo ruqaansaday saldhigga ay ku leeyihiin deegaanka Janaay Cabdalle oo 60km u jira Magaalada Kismaayo ayaa u dhaqaaqay dhanka Afmadow, iyagoona la wareegay gacan ku haynta deegaanka Harboole. Harboole waxay 40km u jirtaa Afmadow, halka ay 80km u jirto Kismaayo.
Wararka ayaa sheegaya in ciidamada ay weerar ku soo qaadeen maleeshiyada Al Shabaab oo u muuqday kuwo si xeeladeysan uga baxay Harboole, oo muddooyinkanba ay iyaga ku sugnaayeen.
Dadka deegaanka ayaa soo sheegaya in labada dhinac uu halkaasi ku dhex maray dagaal hubka noocyadiisa kala duwan la isku adeegsaday.
Warar aan la xaqiijin ayaa sheegaya in nin la socday gaari laga soo buuxiyay walxaha qarxa uu Harboole ku beegsaday ciidamada qaybtood.
Sida ay soo sheegayaan dadka deegaanka, Ciidanka Xoogga Dalka iyo Daraawiishta Jubbaland ayaa hadda ku sugan Harboole, dibna ay u caabiyeen Shabaabka.
Harboole waa deegaan muhiim u ah isu socodka Kismaayo iyo Afmadow, waxaa kaloo marta waddo aadda deegaanka Mareerey ee Gobolka Jubbada Dhexe, waana mid ka mid ah meelaha ay isaga xirmaan Labada Jubba, waana Harboole oo ka mid ahayd meelaha ay Shabaabku ka difaacaan Degmada Jilib.
Warbaahinta ayaa fahamsan in Shabaabku ay Jilib ku leeyihiin xaruntooda ugu weyn ee Gobolada Koonfureed.
In Ciidamada Militariga ay haatan qabsadaan Harboole ayaa waxa ay ka dhigan tahay inay ku sii dhawaanayaan Mareerey oo hoostagta Degmada Jilib, taas oo culeys ku noqon karta Al Shabaab.
Gobolka Jubbada Dhexe waa gobolka qura ee ay sida buuxda gacanta ugu hayaan Shabaabka hubeysan ee dalka ka dagaalama.