Ciidamada oo dhaqdhaqaaq ka wada Magaalada Baydhabo

Ciidamada Dowladda Federaalka iyo kuwa Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed ayaa Magaalada Baydhabo ka wada dadaalo wax looga qabanayo amniga jilicsan ee ka jira Xarunta Gobolka Baay ee Baydhabo.
Saraakiisha Qaybta 60aad ee Ciidanka Xoogga Dalka oo kaashanaya Booliska, Nabad Sugidda, Birmadka iyo Daraawiishta Koonfur Galbeed ayaa qaadaya tallaabooyin dheeraad ah, oo ay ku hagaajinayaan sugidda amniga magaalada iyo isku-dubaridka howlaha ciidamada.
Wariyeyaasha ayaa soo sheegaya in Saraakiisha Militariga ay ciidamo geeyeen meelaha ay tahay in la ilaaliyo ee laga soo galo Baydhabo.
Marka laga soo tago kontoroolada laga soo galo magaalada iyo fariisimaha kale ee ciidamada ku leeyihiin duleedyadeeda ayaa waxaa jira waddooyin aan ahayn kuwa tooska ah ee dadku ka soo galaan Baydhabo, laakiin ciddii kala taqaana deegaanka ay ka soo geli karto magaalada, waana kuwaas meelaha hadda la rabo in la buuxiyo.
Ciidamada ayaa xiray waddooyinka ciriiriga ee bannaanada Baydhabo, intii ay socdeen Doorashooyinka Koonfur Galbeed, inkastoo ciidamadu aysan baaqi ku sii ahaanin goobahaasi doorashada ka dib.
Madaxtooyada Koonfur Galbeed ayaa dooneysa in meesha laga saaro walaaca amni ee soo food-saaray shacabka ku dhaqan Magaalada Baydhabo ee Xarunta KMG Koonfur Galbeed.
Hoggaamiyaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed, Aadan Maxamed Nuur (Aadan Madoobe) ayaa dhinaca Dowladda Federaalka ka sugaya taageero xoojin ah.
Aadan Madoobe oo Arbacadii Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud kula kulmay Caasimadda Muqdisho ayaa ka codsaday in la soo gaarsiiyo ciidamo dheeraad ah iyo saraakiil amni oo khibrad u leh habaynta iyo sugidda amniga, taasoo uu Madaxweynuhu ka aqbalay.
Masuuliyiinta Wasaaradda Gaashaandhiga iyo Taliska Ciidanka Xoogga Dalka ayaa la filayaa in ay ciidamo cusub u daabuli doonaan magaaladaasi.
Taageeradan ayaa muujineysa in Villa Somalia ay dhabarka u ridaneyso in maamulka uu hoggaamiyo Aadan Madoobe uu si buuxda u guto waajibaadkiisa shaqo.


