Ciidamada oo difaac ka xirtay deegaan u dhow Teedaan

Wararka ka imanaya Gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in Ciidanka Xoogga Dalka iyo kuwa Difaaca Shacabka ee Macawiisley ay saldhig cusub ka sameysteen deegaanka Bukure, oo u dhow deegaanka Teedaan ee Gobolka Hiiraan.
Ciidamada ayaa isku diyaarinaya guluf ballaaran oo ay dib ugu qabsanayaan deegaanka Teedaan, kaas oo ay lumiyeen Axaddii, isla-markaana ay la wareegeen maleeshiyada Al Shabaab.
Wararka ayaa sheegaya in ciidamadu ay si xiriirsan ugu sugan yihiin deegaanada u dhaxeeya Magaalooyinka Maxaas iyo Matabaan, kuwaas oo ay ka mid yihiin Bukure, Hees iyo Coomaad.
Deegaanada ku yaala inta u dhaxeyso labada magaalo ayaa waxaa laga dareemaya inay xiisad ka jirto, waxaana uu hakad ku yimid isu socodkii dadka iyo ganacsiga ee waddada xiriirisa magaalooyinkaasi.
Wararka la helayo ayaa sheegaya in ciidamada ay sugayaan gurmad iyo in xagga cirka laga garaaco Shabaabka ku sugan deegaankaasi Teedaan.
Shabaabka ayaa la sheegay inay dhufeysyo ka sameysteen bannaanada Teedaan iyo in ay xitaa godad ka dhex qoteen gudaha deegaankaasi.
Taliyaha Qaybta 27aad ee Ciidanka Xoogga Dalka, G/dhexe Cali Axmed Xaashi (Cagey) oo ku sugan aagga Bukure ayaa Saraakiisha Ciidamada u sheegay in aan la ogolaan karin in Shabaabku ay ku sii sugnaadaan deegaankaasi.
Teedaan ayaa ahayd taliskii laga hoggaaminayay hawlgalka ay ciidamadu 19-kii bishii July ka bilaabeen deegaanada hoostaga Degmada Maxaas.
Deegaankan ayaa muhiim u ahaa isu socodka dadka iyo ganacsiga gobolka, wuxuuna isku xiraa Beledweyne, Matabaan iyo Maxaas.


