Ciidamada oo furin cusub uga dhaqaaqay Shabaabka Galmudug
Taliska Ciidanka Xoogga Dalka ayaa jiho cusub doonaya in laga weeraro maleeshiyada Al Shabaab ee ku sugan Magaalada Ceelbuur iyo deegaanada ka baxsan, si maleeshiyada looga saaro magaaladaasi.
Afhayeenka Wasaaradda Gaashaandhigga, General Cabdullaahi Cali Caanood ayaa sheegay in ciidan xoog leh oo ka ambabaxay Magaalada Guriceel ay ku sii jeedaan deegaanka Jaaw, oo qiyaastii 50km dhanka koonfureed kaga toosan Guriceel.
Afhayeenka oo shir jaraa'id ku qabtay Magaalada Muqdisho ayaa tilmaamay in ciidamadu ay hadda ku sugan yihiin tuulada Dhagaxweyn, oo 7km u jirta deegaanka Jaaw.
"Ciidamada waxay ku sugan yihiin jiiddii loo cayimay ay ka hawlgeli lahaayeen, marka dagaalka uu bilowdo." Ayuu yiri Afhayeenka.
Dhanka kale ilo wareedyo ayaa sheegaya in Ciidanka Xoogga Dalka iyo xoogaga deegaanka ee ka ruqaansaday Magaalada Guriceel uu ujeedku yahay in ay maleeshiyada Shabaabka ka saaraan deegaanada Jaaw iyo Burujeed.
Saraakiil uu ka mid yahay Taliyaha Guutada 15aad ee Qaybta 21aad, Gaashaanle Cabdifitaax Haruuse Daahir ayaa hoggaaminaya ciidamadan.
Ciidamada ayay tahay inay isku ballaariyaan deegaanada miyiga iyo dhulka hawdka ee dhaca waddada loo maro Ceelbuur, marka aad joogto jihada Guriceel ee aadda Ceelbuur.
Qorshaha ayaa ah ka hor inta aanay ciidamadu la wareegin Magaalada Ceelbuur in ay Shabaabka ka sifeeyaan deegaanada hoostagga magaaladaasi, taas oo muhiim u ah in ciidamada amniga iyo maamulada ay muddo dheer sii joogaan Ceelbuur iyo deegaanada ku xeeran.
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliya, Xasan Sheekh Maxamuud oo habeen hore kulan dadweyne kaga qaybgalay Magaalada Dhuusamareeb ayaa sheegay inay shaqo adag ka horreyso la wareegista Ceelbuur.
Ceelbuur waa xarunta ugu weyn ee ay haatan Shabaabku ku leeyihiin Gobolada Dhexe, waana magaalada ugu muhiimsan ay ka maamulaan bartamaha dalka.









