Ciidamada oo Gobolka Shabellaha Hoose ku dilay Yuusuf Suuley oo la doon-doonayay

Ciidanka Guutada 7aad, Qaybta 12-ka April ee Xoogga Dalka oo kaashanaya Booliska Degmada Wanlaweyn ee Gobolka Shabellaha Hoose ayaa xalay hawlgal ku dilay Yuusuf Aadan Xuseen (Suuley) oo dil toogasho ku xukunaa, iyadoona ay ciidamadu la dileen laba nin oo kale.

Wararka ayaa sheegaya in ciidamadu ay heleen xogta in ninka baxsadka ahaa ee lagu magacabayay Yuusuf Aadan Xuseen uu ku sugan yahay nawaaxiga deegaanka Haakow oo hoostaga Degmada Wanlaweyn, taasina ay ka dambeysay in ay weeraraan.

Ilo wareedyo ayaa sheegaya in ciidamadu ay doonayeen in ay gacanta ku soo dhigaan ninkaasi, si ay ugu wareejiyaan Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida, balse ay iska caabin uga la horyimaadeen isaga iyo maleeshiyaad kale oo la joogay.

Wararka ayaa intaasi ku daraya in ciidamadu ay meydka ninkaasi iyo xubnaha kale ee lala dilay ay geeyeen Saldhigga Booliska Wanlaweyn, ka hor inta aan looga sii qaadin isbitaal maxali ah.

Yuusuf Suuley ayaa madax u ahaa maleeshiyo qaab beeleed u abaabulan, oo Maxkamadda Militariga ay 22-kii bishii November ku heshay in ay shan qof ku dileen, toddobo kalena ku dhaawaceen deegaanka Warta Cismaan oo hoostaga Degmada Wanlaweyn.

Korneyl Cabdullaahi Abuukar Xasan (Shadoor) oo ah Garsoore ka tirsan Maxkamadda Militariga ayaa xilligaasi xukun dil toogasho ah ku xukumay Yuusuf Suuley iyo dhowr nin oo kale oo falkaasi lagu helay, waxaana la xukumay iyaga oo maqaneyaal ah.

Garsooraha ayaa sidoo kale dil toogasho ku xukumay dhowr nin oo kale oo lagu helay in ay ka masuul ahaayeen falkii ninka odayga ahaa lagu gubay ee 7-dii bishii November ka dhacay tuulada Dudumaaye oo hoostagta Degmada Wanlaweyn iyo lix nin oo kale oo reer Yaaq-bariweyne ah, oo iyagoo oo maqaneyaal ah lagu xukumay dil toogasho, ka dib markii lagu helay in 11-kii bishaasi ay shan qof ku dileen, shan kalena ay ku dhaawaceen deegaanka Yaaq-bariweyne oo ka tirsan Degmada Wanlaweyn.

Maxkamadda ayaa Taliyaha Guutada 7aad, Axmed Cabdi Cali (Axmed Gaashaan) iyo Booliska Degmada Wanlaweyn fartay in ay nolol ama geeri ku keenaan dhammaan ragga la xukumay, oo ah laba maleeshiyo beeleed, laguna helay in dad ka soo kala jeeday labada dhinac ay u dileen aano qabiil.

Saraakiisha Ciidamada la daba dhigay raggan oo fadhigoodu yahay Degmada Wanlaweyn ayaan weli wax war ah ka soo saarin hawlgalka lagu dilay Yuusuf Suuley, oo noqonaya ninkii koowaad ee ku baxa gacanta ciidamada, isla-markaana ka mid ah kuwa la baadigoobayo.

Taliye Axmed Gaashaan ayaa dhowr jeer oo hore sheegay in raggaasi aysan marnaba ka qarsoomi doonin ciidamada, si kastoo ay u cararaan, illaa iyo inta ay ka ogolaanayaan in ay sharciga isku soo dhiibaan.