Ciidamada oo horumar ka sameynaya dagaalka duleedka Degmada Warsheekh

Militariga Somaliya ayaa horumar ka sameynaya hawlgalka gaarka ah ee ay ka wadaan deegaanada qaar ee hoostaga Degmada Warsheekh ee Gobolka Shabellaha Dhexe.
Ciidamada ayaa waxay ka hortaggayaan maleeshiyada Al Shabaab ee maalmihii u dambeeyay isku soo fidineysay deegaanada hoostaga degmadaasi, si ay u jaraan waddada xeebta ee isku xirto Magaalada Muqdisho iyo Gobolka Shabellaha Dhexe.
Ciidanka Kumaandooska Gorgor ee Xoogga Dalka ayaa saakay weerar xoogan ku qaaday Shabaabkii ku sugnaa aagga deegaanka Shiikh-yaalo, iyadoona la soo sheegayo in ay dagaal uga saareen deegaankaasi.
Wararka ayaa sheegaya in ciidamo kale oo hareer socday ciidamadan ay iyaguna weerar ku galeen deegaanka Jabad Godane, oo Shabaabku ay bilaa dagaal kula wareegeen 22-kii bishan.
Jabad Godane waa deegaan ku yaala inta u dhaxeyso Warsheekh iyo deegaanka Xawaadley oo hoostaga Degmada Balcad.
Raadiyaha Ciidamada Qalabka Sida ayaa baahiyay in hawlgalka laga fuliyay Jabad Godane lagu dilay tiro ka mid ah kooxaha argagixisada, isla-markaana ay kooxahaasi isaga carareen deegaankan.
Ciidamada ayaa la filayaa in ay weerari doonaan deegaanka Alanley oo sidoo kale hoostaga Degmada Warsheekh.
Saraakiisha Militariga ayaa kuu sheegaya in uu socdo hawlgal sifayn ah, isla-markaana lagu xaqiijinayo amniga waddada xeebta.
Warbaahinta ayaa fahamsan in hawlgalkan ay ka qayb qaadanayaan diyaaradaha dagaalka Turkiga ee ciidamada ka taageera hawlgalka hawada.
Gulufka dagaalka ee socdo ayaa la doonaya in khatarta argagixiso looga fogeeyo waddada xeebta, maadaama aan waddadan looga maarmi karin hawlgalada deegaanada Hirshabelle iyo Galmudug.
Taliyaha Ciidanka Dhulka ee Xoogga Dalka, General Sahal Cabdullaahi Cumar oo Sabtidii booqday ciidamada hawlgalkan wada ayaa faray in ay dardargeliyaan hawlgalada lagu xaqiijinayo amniga dalka.


